Halkay Ku Dambayn Doonta Xaaladda Somaliland Iyo Somaaliya Ka Dib Markii Ay Fashilmeen Wada-Hadaladii Dhexdoodu

0
902

Hargeysa ( Geeska) Waxa Dhawan Jabuuti ku so dhamaaday qaybta kobaad ee Arimha kandhexeeya Somaliland iyo Somalia.  Marxaladda kobaad oo socday muddo 15  sano ahayd ayaa u muuqatay in loogu tala galay in Somali dhexdooda Wada hadlaan. Arinka Wada hadalka dhexdooda ayaa salka ku hayey Madama iyagu horaanti 1960 si xor ah isugu bireen, Sidaa awgeedna iyaga u taalo marka hore in ay danahooda ka wada xaajodaan.

Hadaba, sida Siyaadada Somaliland iyo Somalia u dhignayd qaybta hore wuxu soo dhamaaday 2023 dhamaadkiisi, kaas oo ka dhacay jabuuti. Wada galeena Muuse biixi iyo xasa. Wada hadalada u dhaxeeyey dhexdooda ayaan ahayn mid midho dhalay, qolo walibana halkeedi taaagnayd. Walina waxa raacay Somalia ka baxday waxyaabo bafan oo xal noqon lahaa.

HADABA SUASHU WAXA WEEYE MIYAA LA GAADHAY STAGE TWO? MUXUSE YAHAY?

Aragtida Siyaadada Caalamka ayaa hada U eeg in mudadii Somali dhexdeeda Wada hadlayeen ay waxba isla gaadan  waayeen, sidaa awgeedna  laga bilaabo sanadkab2024 ka Addunka iyo Midowga Afrika u qaadayo wixi talaabo ku haboon ama dhexdhexaadin toos ah la samaysamyno.

Iyada oo dawlaha Addunka iyo kuwa geeskuba dano kala duwan ka arkayaan, hadana waxay u muuqataa in Addunka iyo Beesha Caalamku hada faragalinta arinkan ay taagan tahay, taas oo ay qayb ka yihiin Midowga Afrika iyo Urur-gobaleedaduba.

Dhanka kale, waxa isna Dhawaan maqaal dheer ka qoray ” Stephen M. Schwartz” Ciyaaana uga dhigay MIDOWGA AFRIKA WAA IN AY XALKEEDA GASHO XAALADDA SOMALILAND.

Siyaasigan ku xeel dheer arimaha siyaasadda afrika ayaa talo ahaan ku soo jeediyey in xaaladda somaliland iyo soomaaliya ay ku dambayn doonta xalinta midowga afrika, kaas oo maqaalkiiska ku soo koobay afar qodob wuxu u dhigay sidan.

1.Abuuridda  guddi xaqiiqo raadin cusub oo lagu baadhayo  xaaladda una xilsaaran yihiin madaxda  iyo saraakiisha Afrikaanka taas oo ku aadan Xaalada Somaliland ee maanta.

  1. In Dowladda Federaalka Soomaaliya la siiyo waqti goan oo ay bilabayaan howlaha ay fulinayaan Midowga Afrika wada-hadallada ay Jamhuuriyadda Somaliland la yeelanayso maqaamkeeda iyo xidhiidhka u dhexeeya labada hay’adood.
  2. In la hoggaamiyo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, lagana rabo in dhinacyadu ka qaybgalaan niyad wanaag oo ku heshiiyaan natiijada taariikh cayiman.
  3. In la shaaciyo in haddii dhinacyadu hadii ay heshiis gaari waayaan Midowga Afrika uu sameyn doono goan, ku aaddan cidda masuulka ka ahayd burburka iyo samaynta a talo soo jeedinta Golaha Midowga Afrika ee tallaabooyinka xiga.

Ugu dambayn, xaaladda iminka taagan ee Somaliland iyo somaaliya ayaa qasab noqonaysa in Dawlaha Africa iyo Carabta ayaa u muuqan doonan in ay labada aragtiyood unkala safan doona, saamayna ay ku yeelan doonto marxaladda labaad  ee wada hadalka Beesha caalamka ee Somaliland iyo Somalia.

Dawladaha ila maanta is cadeeyey gaar ahaan Africa waxa ka mida Itoobiya iyo Masar, waxana la eegi doonaa sida arinku u saameeyo dawladaha kale ee afrika iyo kuwa goboladda.