Halgankii Mujaahidiinta iyo Hagardaamada Maanta!W/Q: Garyaqaan Barkhad Jama Hirsi Batun

0
616

Waxay u badnaayeen dhalinyaro leh mustaqbal iyo masiir fog, balse waxay taas badalkeeda hog madow ugu rideen rabitaankoodi shaqsiysadeed iyo aragtida aayahooda mustaqbal in la helo qaran kuwada naalooda nabad, cadaalad, sinnaan, wada-jir, wax wada lahaansho, isku duubni, is tixgalin.

ddddddddd

Waxay maskaxdoodii, muruqoodi, iyo waliba maalkoodi galiyeen sidii mar”un shacabka Somaliland uga xoroobi lahaayeen dulmigii ay ka tirsanayeen dawladii siyaad barre.

Dhalinyaradani waxay ayda u galeen iskuna abaabuleen si qorsheyn oo qaabkeeda ay la dhaceen dalalka aynu jaarka nahay iyadoo markaas hogaanka loo dhiibay dadkii aqoonta lahaa, haddii ay tahay kuwo aqoontoodu maadi ah iyo mid milatariba.

Waxay nidar ku galeen iney dhiigooda, dheecaankooda iyo dhalinyarnimadooda waraabiyaan dhulkooda hooyo, si kastaba ha ahaatee waxaa sanadii 1991 gacanta lagu dhigay guud ahaan deeganadii Somaliland oo dhan iyadoo laga saaray dawladii dulmiga ku haysay dadkeeda

Waxaana guushaa ku suntan oo taarikhda ku galay halyeeyadii hogaanka u ahaa ururki SNM intooda nool iyo kuwoodi dhintayba Alle ha u naxariiste.

Waxaa intaas kadib la gudo galay in la unko qaran xor ah oo aayahiisa iyo aragtidiisa maamul iyo maaliyadeedba u xor ah iyadoo dhibada loogu taagay magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco bartaas oo shirki qaran ee dhacay laga soo saaray 7ba qodob oo kow ay ka tahay gooni isu taaga Somaliland

Intaas kadib waxaa hanaanka haybada dawladnimo qaatey gobolka awdal gaar ahaan magaalo madaxdiisa borama iyadoo lagu soo dhameystiray dawlad sal balaadhan oo loo wada dhan yahay isla markaana si sharaf iyo qiimo leh ay uga dhacday doorasho xor iyo xalaal ahi  xilkana loogu kala wareejiyey 2da Madaxweyne ee kala ahaa tuur iyo cigaal Alle 2badoodaba ha u naxariiste

Dawlanimadii ayaa si wacan u hano qaatey iyadoo ay jireen duruufo gudeed iyo kuwo dibadeed balse dhabar adeygii hogaanki hayinka ahaa ee dalka hagayey iyo hanaankii wacnaa ee bulshada Somaliland hiilka ugu aheyd ayaa saamaxay in si fudud looga baxo

Muddo dheer kadib waxaa dhintay 2002 hogaamiyihii ruuxigi ahaa Maxamed Xaji Ibrahim Cigal oo ku suntanaa dhisidda tiirashada qaranka qeybihisiisa kala dawan iyadoo qormo gaar ah aynu ku eeg doono mar kale waxqabadiisi, waxaana bartii kasii anba qaaday Madaxweyne Dahir rayaale kahin oo runtii sii adkeeyey amaanadii umaddu u igmaday haddii ay tahay isku haynta dalka iyo dadka iyo waliba amniga umadda, waxaanu akhirnki dhamaadki xili kursiyeedkisa si qurux badan xilka ku wareejiyey Madaxweyne Axmed Maxamed Silanyo kadib markii doorashadii Madaxtooyo ee dalka ka dhacay 2010 lagaga guuleystay

Doorashadaa gadaasheed waxay bulshada Somaliland badi fileysay in la qaadayo dhabada horumarka iyo sii adkeynta hanaanka dawladnimo. Iyadoo ay jiraan wali dayac weyn oo haystay qoysaska mujaahidiintii dalka naftooda iyo lixaadkooda u waayey wax tar bandanna ka filayey Madaxweyne Silanyo oo ahaa hogaamiyihii ugu cimriga dheeraa SNM maxaase dhacay?

Waxaa dalka ka dhacay arimo aan marnaba laga sawiran hogaaminta silanyo waxayna noqdeen kuwan:

1.    Qabyaallad qaawan oo qarankii kala ququbtey

2.    Hanaankii iyo haybadii dawladnimo oo dad gaar ah gacanta u gashay

3.    Musuq baahsan oo marin habaabiyey hanaankii maamul

4.    Cadaalad darro baahsan oo dhankaste bulshada ka saameysay

5.    Doorashooyin sababey dhiig iyo dhimasho

6.    Xidhiidhkii dibada iyo kii dalalka jaarka oo diciifay

7.    Dadkii oo dawlanimadi daneyn waayey

8.    Qadiyadii qarankeena oo xamar ku dhex qasmatey kadib wada hadal madhaleys ah oo lala furay

9.    Sixir barar barakiyey bulsho badan

10. Abaar aan dalka hore uga dhicin oo duuniyo iyo dadba galaafay walina taagay xalla wali xukumaddani ka gaadhin iyadoo ayaan darada jirtaa tahay in shacabkii ay masuulka ka aheyd haraad u bakhtiyayaan iyaguna hargeisa ku dhex wataan gawaadhi cad cad oo midkiiba qiimihiisu yahay 50kun oo dollar gaarna u wada leeyihiin.

waxaan kamid ahay dadka aadka ugu ganacsan shaqsiyada Madaxweyne Axmed Silanyo balse qormadan ta ku xigta waxaynu ku qaada dhigi doontaa cidda qaranka bartaas dhigtay

Lasoco qeybta danbe

Xoghayaha Caddaalada iyo arimaha garsoorka Xisbiga Waddani

Garyaqaan Barkhad Jama Hirsi Batun

Email: Barkhad909@live.com