Hal Askari Oo lagu Dilay Galbeedka  Boorame Oo Maayarka Boorama Uu Ka Hadlay Sida Ay Wax U Dhaceen

0
661

 

Boorama(Geeska)-Waxaa duleedka magaalada Boorama shalay waabarigii lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Booliiska gobolka Awdal, kaasoo ilaalo ka ahaa goob laga dhisayay kaydka biyaha Borama oo ku taala dagaanka Abuqays oo wax aan ka badnayn 10km dhinaca galbeed kaga beegan Boorama.

 

Wararku waxa ay sheegayaan in goobta dilku ka dhacay ee la soo weeraray ay ku sugnaayeen 2 askari, oo mid yahay marxuunka dhintay, halka uu askariga kale ka badbaaday dhacdadan.

 

Ciidamada Booliiska Awdal oo goobta dilku ka dhacay gaadhay ayaa la sheegay inay soo xidh-xidheen dad badan oo ka mid ah dadka degaanka uu falku ka dhacay, mana jiro war ka soo baxay saraakiishiisha booliska, marka laga reebo maayarka boorama Saleebaan Xasan Xadi oo dhacdadan u xambaariyay dadka deegaanka, kuna tilmaamay kooxda uu farta ku fiiqay inay yihiin kuwo hormarka cadaw ku ah, ama ka soo horjeeda, wxaanu isaga oo maayarku Boorama warbaahinta kula hadlaayay uu yidhi “ Askarigaasi waxa uu ilaalinaayay  kanbaniga biyo galinta  galbeedka magaalada Boorama shaqo qaran ayuu fulinaayay, dawladuna waa ay ku daba jirtaa  go’aanka aanu qaadanayna waxa weeyaan in  meelkasta oo uu galo cidii ku lug lahayd aan laga daba hadhin, in badan ayaa dadka la dhawray shacbiga  lana damcay in laga dhex shaandheeyo inta xun hadaanay  shacbigu tilmaami karayn kuwa xun ee ku dhex jira  xukuumadu waxay goaan qaadatay inay ka dhex saarto talaabana waan ka qadaynaa, waana cid ka soo hor jeeda horumarka oo biya galintaas oo sodon sano loo qaylinaayay ay kow ka tahay oo wadadii ay bilaabmayso.”

Si kastaba ha ahaatee ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkan ka dhacay deegaanka Abuqays oo u dhow xadka u dhaxeeya Somaliland & Ethiopia, waxaana maydka askariga uu ilaayo hada yaala isbitaalka guud ee magaalada Borama, lama oga waqtiga la aasi doono marxuumkasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here