“Hadh Iyo Habeena Waan Ducaynayaa Ee Samaha Aynu Ogaano, Oo Nabada Aynu Ilaalino”

0
698

Suldaan  Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse

Hargeysa (Geeska)-Suldaan  Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse, ayaa ku taliyey in samaha iyo wanaaga laga taliyo, lagana dheerado wax kasta oo dhib keeni kara.

Suldaanka guud ee Beesha Barriga Burco Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali Muuse,oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “ALLE raxmaadkiisa wuu inoo shubay,roobkuna si fiican buu inoogu da’ay, inkasta oo ay jiraan meelo aanu ku di’in iyo meelo uu ku yar yahay, haddana mar walba waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu raxmadiisa oo khayr qabta ina wada gaadhsiiyo, oo uu inoo wada shubo, waxaan ALLE ka baryeynaa inuu khayr ina siiyo, inagana ilaaliyo abaaraha, nabadgalyo darada, dhibaatooyinka, colaadaha iyo wixii la midkaba ahba,  hadh iyo habeena waan ducaynayaa ee samaha aynu ogaano, oo nabada aynu ilaalino, oo dhibaatooyinka aynu iska ilaaliyo,dhib kasta oo jirtana aynu wanaag ku dhamayno”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here