“Haddii Kursigii Been Iyo Boob Lagu Soo Xero Galiyay, Waxaanu Filaynay In Run Lagu Dhaqi Doono, Run Laguma Dhaqin Ee Waa Lays Mahadiyay Halkii Uunbaa Laga Sii Wadaa”

39
4632

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ku-meelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde ayaa si adag u dhaliilay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku eedeeyay inaanay run ku dhaqayn dalka.

Xildhibaan Jirde oo hadal ka jeediyay casuumad ay aqoonyahano ka soo jeeda magaalada Hargeysa iyo gobalka Hawd London ugu sameeyeen Suldaan Cismaan Cali Madar oo dalka ku soo jeeda, wuxuu kaloo soo dhaweeyay shirka ay beelaha Garxajis qabsanayaan, waxaanu xukuumadda ugu baaqay inay joojiso dacaayado ka dhan ah shirkaas oo uu sheegay in la faafinayo.  Xildhibaan Jirde wuxuu yidhi “Waynu ogayn sida ay doorashadii u dhacday, waynu ogayn in doorasho xor ah oo xalaal ahi aanay dhicin, Soomaalidu waxay tidhaahdaa maahmaah ” dumarka beena waa lagu soo xerogaliyaa runa waa lagu dhaqaa” haddii kursigii been iyo boob lagu soo xero galiyay, waxaanu filaynay in run lagu dhaqi doono, run laguma dhaqin ee waa lays mahadiyay halkii uunbaa laga sii wadaa, taasna waxaanu is tusnay aniga iyo suldaanka iyo beeshiisuba in aan taas la yeeli karin, iyada oo mid la yahay oo Somaliland oo dhan midaysantahay sidii majarihii khaldamay dib loogu soo celin lahaa oo dawladan loo sheego in aan dalkan beentaas lagu maamuli Karin. Waxaan beesha Garxajis ku taageersanahay shirkaas ay ku qabsanayso gobalka Togdheer, waxaanu u aragnaa shir shirarkii hore ee Somaliland soo qabsatay oo beeshadayaduba soo qabsatay, ee beelaha kale oo dhan soo qabsadeen la mid ah, wax wanaag,horumar iyo toosin ah mooyaane wax ka soo baxayaana aanu jirin, anaga oo ku kalsoon gudiga qabanqaabada iyo raga hormuudka u ah shirkaas oo aanu ognahay qadiyada Somaliland halka ay ka taagantahay.”

Cabdiqaadi Jirde oo ka hadlaaya xildhibaanada Oodweyne ee la xidhay waxa uu yidhi”Durba waataas muuqatay xaqdaradii niman xildhibaano ah oo xasaanad leh oo Oodweyne laga doortay, oo shacbigu u codeeyay iyada oo aan la marin sharciga iyo qaynuunka, in nin ganacsade ah aawadii loo xidho, arintaasi waa arin fool xun, cawaaqib xuna keenaysa, waanu canbaaraynaynaa, waxaanu ku talinaynaa intay goori goor tahay in nimankaas loo soo celiyo xoriyadoodii, karaamadoodiina dib loogu soo celiyo, ciddii waxan ka danbaysayna talaabo laga qaado.”

Waxa uu ugu danbayntii Cabdiqaadir Jirde hadalkiisa ku soo gunaanaday “Suldaan waxaanu kaa balanqaadaynaa anaguna in da’daalkaas aad ugu jirtaan odayaashinaas iyo madax dhaqameedkiinaasi, inuu dalkani nabad galyo ahaado, oo uu nabad ku naaloodo oo waxii xukunkaas xumi xumaynaayo sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, ee aad hormuudka ka tahay inaanu isku kaa garab taagno,hadaanu siyaasiyiintii nahay,hadaanu xisbigii Waddani nahay iyo hadaanu nahay beesha caawa halkan kugu marti qaadayba, shirka xumaanbaa laga faafinayaa dadbay xukuumadu soo adeegsanaysaa, waxaan jirin baa la sheegayaa, wasiiro hanjabaayay ayaan maqlaayay taas waa laga baxay, Somaliland way ka bogsatay maanta reer gooni loola baxo, reer la bartilmaameedsado, idiin fuli mayso oo garab cidna ka heli maysaan, reerkana go’aankiisa ayaan ogahay oo in ay dalkan xasaradi ka dhacdo ma ogola.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here