“Haddaanu Nahay Murashixiinta Kulmiye Tartan Xalaal Ah Ayaanu Rabnaa Ee Tartan Xaaraan Ah Iyo Cod Xaaraan Ah Inaanu Ku Soo Baxno Oo Ku Shubano Ma Rabno” Madaxweyne-xigeenka oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay mid ka mid ah salaadiinta gobalka Awdal

44
3454

Hargeysa(Geeska)-Murashaxa madaxweyne-xigeen ee xisbiga KULMIYE ahna madaxweyne-xigeen xilka haya, ayaa sheegay inaanay murashixiinta KULMIYE, doonayn inay ku soo baxaan tartan xaaraan ah, balse ay doonayaan inay ku soo baxaan tartan xalaal ah oo aan ku shubasho doorasho ahayn.

Md. Saylici oo shalay dadweynaha Hargeysa kula hadlay fagaaraha beerta xorriyadda iyadoo ay KULMIYE ahayd maalintiisii afraad ee kaltanka ololaha doorashada xisbiyada, wuxuu si duurxul ah ugu jawaabay mid ka mid ah madax dhaqameedka Awdal oo dhawaan hadal hanjabaad ah jeediyay, waxaanu Saylici yidhi “Waxa nasiib darro  ah in odayaal ama siyaasiyiin waaweyn oo xisbiga waddani taageersan inay yidhahdaan haddii aanu doorashada heli weyno waanu ka tashanaynaa dalka, taasi waa nasiib darro, tartan ayaa socda, garina lama nin kama wada qosliso, markaas ninka maanta leh haddii lay dooran waayo waan ka tashanayaa hadduu Awdal joogo, Burco, Berbera iyo Lascanod miyaan ka yeelnaa arrintaas, kama yeelayno, dalkani maanta wuu qaan gaadhay, cid wax u dhimi kartaana ma jirto.” ayuu yidhi Saylici, waxaanu intaas raaciyay “Tartan xalaala ayaa socda, tartankaas xalaasha ah, annagu haddaanu nahay murashixiinta kulmiye tartan xalaal ah ayaanu rabnaa ee tartan xaaraan ah iyo cod xaaraan ah inaanu ku soo baxno oo ku shubano ma rabno, sababtoo ah dadkayagii ayaanu haysanaa, gobalada dalka oo dhan ayaanu haysanaa oo na taageersan. Markaas ninka leh haddii layga helo dalka ayaan burburinayaa oo nabadgelyada ayaan khalkhalinayaa kama yeelayno.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here