“Hadaanu Nahay Dhalinyaradda Degaanka Salaxley Waxaanu Ka Digaynaa In Guddida Beesha Ciidagale Loo Isticmaalo Dan Gaar Ah”

0
715

Bayaan….

 Marka hore waxaanu hanbalyo iyo bogaadin u diraynaa gudida cusub ee beesha ciidagale laguna soo doortay shirwaynihii beesha ee ka dhacay hotel abasatoor 9-11/01/2016. Intaas ka dib haddaanu u guda dagno nuxurka qoraalkayga waxa weeyi. Waxaanu uga digaynaa gudida beeshu in ay dan gaara ugu a degaan isla markaana dan shaqsi ah ka hadlaan hadday tahay MID GANACSI AMA MID SIYAASADEEDBA. Waxa gudida loo doortay in ay ka shaqeyaan danta guud ee beesha hadday tahay horumarinta beesha miyo iyo magaalaba  hormarinta waxbarashada dhamaan deegaanada reerku uu dago dhisida adeegyada cafimaadka dhamaan deeganada reerku uu dago.Isku xidhka beesha  Adkaynta nabad galyda somaliland Siiwadida wadada cad sidii loo gaadh siin lahaa xadka Balse gudida marnaba looma dooran DAN SHAKHSI oo leeyahay GANACSADE yari ama mid wayni.Hadaba anagoo ah dhalinta ciidagale ee aqoonta leh, waxaanu mar labaad iyo mar sedexaadba uga digaynaa gudida beesha ee ka kooban dhamaan ardaayada ciidagale in ay Dan gaara oo uu wato shaqsi gaara ahi la soo hoos galiyo gudida. Taasina waxay keenaysaa burbur iyo kala jaba kale oo ku yimaada gudida cusub ee beesha. Ardaa kasta oo beesha ciidagale ka tirsani waxa uu leeyahay dan gaara balse danta guud ee ciidagale ayaa ah ahmiyada iyo ajanadaha kowaad ee ay ka shaqay nayaan gudida ciidagale.

Magacyada qoraalkan soo gudbiyay.

abdirahim Mohamed elmi (ina dhago dheere)

CAASHA MUUSE IBRAAHIM

CANAB CALI YUUSUF

abdicasiis xassan ibraahim

yuusuf khader xusein

jaamac cabdirisaaq muxumed

ali maxamuud elmi diiriye

axmed nuur kayse muuse

abdijibaar xandule

maxamuud hirsi warfaa ALLAA MAHAD LEH.