Haayada Manhal Oo Furtay Cisbitaal Afka Iyo Ilkaha U Gaar Ah

0
688

Picture4Hargeysa(Geeska)-Haayada Manhal qaybteeda caafimaadka ayaa soo kordhisay cisbitaalka daawaynta afka iyo ilkaha, cisbitaalkan oo ku yaala badhtamaha magaaladda Hargeysa ayaa ay masuuliyiinta haayadu sheegeen inay kor ugu qaadayaan caafimaadka afka iyo ilkaha dadka reer Somaliland.

Waxa xaruntan xadhiga si rasmi ah uga jaray agaasimaha waaxda adeegyada ee wasaarada caafimaadka Khadar Maxamed Maxamuud, waxaanu si diiran u soo dhaweeyay furitaanka cisbitaalkan afka iyo ilkaha. 

Ugu horayntii jamcaan Yuusuf Maxamed oo ka warbixiyay furitaanka cisbitaalkan Manhal ay soo kordhisay ee Ilkaha waxa uu yidhi“Waxaanu idinku soo dhawaynaynaa furitaanka qayb kale oo muhiim ah oo haayada Manhal ay ka furtay  dalka, gaar ahaan magaaladda Hargeysa, qaybtaas oo ah caafimaadka ilkaha iyo afka, taas oo aanu rajaynayno inay baahideena wax badan ka qabato, marka laga eego saddexda darajo ee caafimaadka oo ah kobcinta caafimaadka afka, ka hortaga caafimaad xumada  afka iyo daawaynta iyo xalinta dhibaatooyinka afka, saddexda darajaba waxaanu rajaynaynaa inay ka koobnaato oo aanay ku koobnaan ka shaqaynta ilkaha uun.”

Agaasimaha guud ee qaybaha caafimaadka ee Manahal Dr.Maxamuud Axmed Maxamuud (Shiine), ayaa isaguna ka hadlay xaruntan xusub ee ay ku soo kordhiyeen adeegyadii ay hore u bixin jirtay Manhal, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa“Qaybtan muddo dheer ayuu fikirkeedu iyo qorshaheeduba taagnaa, oo uu ahaa gaab banaan oo dalkeena ka jira, waad la socotaan oo dalkeena waxa aad ugu yar dhakhaatiirta aqoonta u leh ilkaha iyo afka iyo daawayntoodaba,taas oo runtii keenaysa inay dadku dhibaato badan ka mutaan, kana dhigaysa daawaynta ilkaha mid kharash badan sababta. Anaga oo ka duulayana siyaasada guud ee Manhal gaar ahaan dadka danyarta ah iyo dabaqada dhexe inay helaan adeeg ku filan  oo ay ka faa’idaysan karaan ayaanu halkan ka furnay xarun lagu daawaynaayo caafimaadka Afka iyo ilkahaba. Waxa xarunta ka hawlgalaaya saddex dhakhtar oo takhasus u leh caafimaadka afka iyo ilkaha oo ka kala yimid dalalka Filibin, Jordan iyo Yaman kuwaas oo ah reer Somaliland  halkaasna wax ku soo bartay diyaarna u ah dadkooda inay u adeegaan. Qaybtani waxay dhamays tiraysaa adeegyadii caafimaad ee ay hore u bixin jirtay Manhal ee ku saabsanaa daryeelka iyo kor u qaadida caafimaadka dalkeena iyo dadkeenaba.”

Dr.Mubaarik Xasan Cabdi oo ku hadlaayay afka dhakhaatiirta ka hawlgali doona cisbitaalkan ayaa isaguna dhankiisa waxa uu yidhi “Alle waa uu nagu guuleeyay furitanka halkan, qalabka aanu ugu shaqayn doono dadka reer Somaliland waa qalab aad u fiican oo aanu ka keenay dalka dibadiisa, waxaanu doonaynaa inaan ka caawino dadkayaga  caafimaadka afka iyo ilkaha, waanu ognahay oo dadkeena waxa ku jira xanuuno badan in og iyo in aan ogaynba, ugu horaynta waxaanu doonaynaa in aanu umadayada ka wacyigalino dhibaatooyin badan oo ka jira dalka, sida qaadka oo umadii ka dilay ilkaha.”

 

Agaasimaha waaxda adeegyada ee wasaarada caafimaadka Khadar Maxamed Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay cisbitaalkan haayada Manhal ay soo kordhisay ee caafimaadka afka iyo ilkaha, waxaana isaga oo halkaas ka hadlaayay uu yidhi “Aniga oo ku hadlaaya afka wasaarada caafimaadka waxaanu soo dhawaynaynaa adeegan cusub ee ku soo kordhay adeegyadii caafimaad ee Manhal ay fulin jirtay, waana adeeg aad u muhiim ah oo ku qeexan barnaamijyada siyaasada caafimaadka Somaliland.waxaan aad ugu faraxsanahay in dhakhaatiir da’yar ah oo dalka u dhashay ay soo barteen caafimaadka afka iyo ilkaha, waana aqoon takhasuskoodu ku yar yahay dalka, wasaarad caafimaad ahaan waanu dhiiri galinaynaa waanan ka qayb qaadan doonaa waxii dhankagayga nagaga beegan ee dhanka kobcinta aqoonta ah ama la xidhiidha sidii bulshada adeegan loo gaadhsiin lahaa.”