Berbera(Geeska)-Haayada dhawrista tayada ayaa markabkii siday dib ugu celisay daqiiq xumaatay oo ay ku qabteen dakeda Berbera.
Daqiiqdan ayaa biyaha badda soo cabtay waxaanay haayada dhawristu ay sheegtay inay dalka dib uga celiyeen markabkii siday. Sahal Cali Warsame isku duwaha haayada ilaalinta tayada ee gobalka Saaxil oo u warmay HCTV waxa uu yidhi “ Waxaanu celinay daqiiq ay lahayd shirkada Ikhwa oo dhamayd 1500 oo kiish oo ay ka dhiman yihiin 14 kiish oo ah daqiiq qoyday ah, kadib markii markabka gudihiisa ay ku qoyday, daqiiqda oo dhami may qoyin dhamaan intii biyahu ay gaadheen oo dhan waanu joojinay, maadaama oo aanay lahayn qiimo suuq gayneed khatar caafimaadna ay keenayso, hadaanu nahay haayada dhawrista tayada waxaanu sharci u leenahay oo ah in aanu ku celino markabka iyo in aanu la wareegno oo aan gubno.”