“Guurtidu Waa Inay Noo Kordhisaa Muddo Kordhin Raali Laga Hayey Mucaarad Iyo Muxaafidba”

0
1439

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile

Hargeyssa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa talo u soo jeediyey Golaha Guurtida, waxaanu ugu baaqay in aanay xiisad iyo xaalad kale oo khilaaf keenta aanay buurin ee muddo kordhin mucayin ah oo la isla ogol yahay raalina laga wada yahay inay u kordhiso Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile,  oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “In ilaa hadda Xisbiyadu hawshooda si fiican bay socotaa, oo waa la isku soo dhawaanaya waana arin fiican, oo loo baahna, in Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga taladda hayaana inay wada hadlaan, oo ka heshiiyaan wixii khilaafaad ah ee jirana waa loo baahnaa, laakiin Doorashada wakhtiga ay ku dhacayso sida aan qabo waa la isla eegi doonaa, ee Guurtidu waa in aanay ka dheerayan heshiiska Somaliland, ee dhinaca Doorashada, waana inay noo kordhisaa muddo kordhin raali laga wada hayey mucaarad iyo muxaafidba, wakhti xaasaasiya ayeynu ku jirnaa ee Guurtidu  waa in aanay abuurin xiisaad iyo xaalado kale oo muran siyaasadeed ka dhasho,awoodeeda dastuuriga ahna waa in aanay uga faa’idaaysan si aan umadda qancinayan, ee dhinaca wanaagsan ha uga faa’iidaysto, umana taag hayno mar walba doorashooyin dib inooga dhaca, iyo muddo kordhin joogto ah, ”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey Farmaajo ayaa yidhi “Somaliland waxay xaqiijinaysaa rabitaankeedii ay ku dhawaaqday 1991, weyna ka midho dhalinaysaa rabiteenkeeda, taladduna dadkeeda ayey ka go’aysaa, laakiin Farmaajo iyo Barlamaankiisi maanta wey kala fadhiyaan, isaga iyo Goboladii wey kala fadhiyaan, Safaaradihii reer Galbeedka ee Muqdisho fadhiyey, dhammaantood arinta Baydhaba wey canbaareeyeen, cadaadisaka uu dadkiisa ku hayaana u keeni mayso guul la taaban karo, Somaliland ahaana ma necbin Shacabka Somaliya, maxaa yeelay waa dad islaam ah, oo aanu jaar nahay, ee inuu ALLE ka dulqaado dhibaatada ayaanu rajaynaynaa, Farmaajana intuu Somaliland waxyeeladeeda isku mashquulinayo, waxaa u roon inuu dhibaatada dadkiisa ka saaro, waxaa kale oo wax aad loola yaabo ah in isaga oo Madaxtooyadiisi aamini waayey, oo kolba Xerada Milatariga seexanaya inuu haddana Somaliland isku mashquuliyo, taasina waxba u tari mayso, waxna Somaliland kuma yeeli karo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here