“Guurtidu Waa Inay Ka Duushaa Jadwalka Komishanka Oo Ay Muddo Kordhinta Ku Salaysaa” K

0
608

Picture5

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee ka tirsan xisbiga Waddani ayaa ka hadlay sida uu u arko wakhtiga cusub ee 1 June 2016 ee ay guddiga doorashadu u mudaysay inay doorashooyinku ku qabsoomaan.

Md. Jirde, oo shalay saxaafadda la hadlay ka dib markii ay guddiga doorashadu golaha wakiilada ka sheegeen wakhtiga ay doorashada ugu tallo galeen ayaa wuxuu sheegay in guddiga doorashooyinku xaq u leeyihiin samaynta jadwalka doorashada,  “Komishanku wuxuu xaq u leeyahay inuu sameeyo Jadwal. Jadwalkaasi wuxuu noqonayaa mid leh Wakhtigaas bay hawshu noogu dhamaanaysaa, markaas qorshahan ay soo saareen go’aamin maaha ee waa war galin oo waxay war galinayaan Goleyaasha qaranka iyo Xukumadda,Asxaabta iyo dadweynaha ba.” Ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, waxaanu intaas raaciyay “Komishanku jadwal bay keeneen, muddo kordhintana guurtida ayaa leh, waxaana laga cararayaa in markay Komishanku Qorshe hawleedka wakhtiyaysan keenaan in fatwo siyaasi ah guurtidu soo saarto oo guurtidu tidhaa intaas ayaanu go’aaminay laakiin, Guurtidu waa inay ka duushaa Jadwalka Komishanka oo muddo kordhinta ku salaysaa ilayn Nimanka hagaya doorashadu waa Komishankee.”