Guurtida Oo Kulamo Gooni-gooni Ah Shalay La Yeelatay Guddiga Doorashada Iyo KULMIYE

0
491

Picture9Hargeysa(Geeska):-Gudida ka soo talo bixinta muddo kordhinta ee dhawaan golaha guurtida, ayaa kulamo gooni gooni ah shalay la qaatay madaxda sar sare ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye Muj.Maxamed Kaahin Axmed Axmed oo ka dib kulankaasi warbaahinta kula hadlay afaafka hore ee aqalka golaha Guurtida, ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyey waxyaabaha ay kawada hadleen gudida ka soo talo bixinta muddo kordhinta, waxaana uu sheegay in ay u gudida u soo bandhigeen in wakhtiga ugu munaasibsan ay u qorsheeyaan qabsoomida doorashooyinka fooda inagu soo haya.

"Arrinta doorashada waxaa waajibkeeda iyo nidaamkeeda xadeeya distoorka qaranka, waxaana u xilsaaran hay'addaha distooriga, annagu waxa aan u bandhignay oo aan ku nidhi haddaanu nahay xisbiga Kulmiye, waxaa uu aamin san yahay mid walba in uu xilkiisa guto, waayo annagu in aan wakhti qabano distooriyan xaq uma lihin, laakiin waxa aan ku talinay annaga oo ka duulayna arrimaha doorashooyinka soo socda iyo hawl gudashadooda in wakhti macquul ah oo ay doorashadu ku qabsoomi karto ay u qabtaan, waxyaabaha aan u sheegnay waxa ka mid ah in imika ay isa saaran yihiin doorashadii madaxtooyada iyo tii aqalka golaha wakiilada Somaliland, waxyaaba illaa hada dhimana waxaa kow ka ah illaa hada lama samayn sharcigii lagu maamuli lahaa doorashooyinka baarlamaanka, waxaana loo baahan yahay in sharcigaas la dedajiyo oo wakhtigiisa laga soo hormariyo.".Ayuu yidhi Muj.Maxamed Kaahin Axmed Kaahin. Dhinaca kale guddoomiyaha Komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland Md.Cabdiqaadir Iimaan, oo isna kulankaasi ka dib warbaahinta la hadlay, ayaa waxaa uu isna faah faahin ka bixiyey kulanka ay la qaateen gudida ka soo talo bixinta muddo kordhinta xukuumada loo samaynaayo.

"Maanta waxaa na looga yeedhay golaha Guurtida, waxaana nala weydiinayey uun oo aan wada tashi iyo xog waran aan u sii kala qaadanaynay uun hawlaha jira ee soo socda ee diiwaan galinta codbixiyeyaasha, taana xog warankii waanu kala qaadanay iyo ta doorashadaba, si wanaagsana waan isu fahanay, waxaana uu ahaa xog warankii ugu danbeeyey, si guul ahna waa uu noogu soo dhamaaday.".Ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan.