Guulihii Rayaale Ka Gaadhay Geedisocodka Aqoonsi Raadiska Iyo Gaabiska Maanta Warbixino Geeska Afrika soo ururiyay Q.5aad

0
523

Markan, wuxuu Daahir Rayaale dawladda Maraykanka ka dalbanayaa inay sida dawladda Ingiriiska oo kale culays saaraan dalalka Afrika si ay u taageeraan qaddiyadda Somaliland, waxaanu Maraykanka u bandhigayaa wada hadalo uu la galay Ingiriiska.

Shabakadda wararka sirta ah faafisa ee Wikileaks, ayaa baahisay in Daahir Rayaale Maraykanka ka dalbaday inay taageeraan hawlgal aqoonsi raadis oo uu Midowga Afrika ka dhex waday.

Daahir Rayaale Kaahin oo wakhtigaas la kulmay masuuliyiinta Maraykan ah, wuxuu sheegay in dadka reer Somaliland ka gudbeen khilaafkii colaadaha ee wadamada jaarka ah ee ay dhaxalsiisay dawladii Maxamed Siyaad Barre, “Dadka reer Somaliland iyagoo aqoonsan in qaranimadu aanay ahayn isirnimo keliya balse lagu dhiso mabaadii iyo caaqiido waxay garwaaqsadeen inay ka gudbaan khilaafkii iyo colaadihii ku ladhnaa raadintii Somaliweyn.” Ayuu ku yidhi Daahir Rayaale Kaahin saraakiishan uu la kulmay oo uu horkacaayay safiirkii Maraykanka u fadhiyay Addis Ababa Donald Yamamoto.

Daahir Rayaale Kaahin, wuxuu sheegay inuu Midowga Afrika ka dhex waddo olole aqoonsi raadis, isagoo kulamo la yeeshay hoggaamiyayaasha Ethiopia, Rwanda, Uganda, Tansaaniya iyo Zambiya, kuwaas oo uu ka dalbaday inay kala shaqeeyaan sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. Wuxuu kaloo sheegay in wasiirkiisii khaarajiga Cabdillaahi Maxamed Ducaale uu wakhtigaas u safrayay wadamada Gaana iyo Toogo si uu ugu dhiirigeliyo aqoonsiga Somaliland.

Daahir Rayaale Kaahin wuxuu masuuliyiinta Maraykanka ah u sheegay inuu la kulmay xoghayaha Ingiriiska wakhtigaas u qaabilsanaa arrimaha dibadda iyo wadamada barwaaqo sooranka Lord Sipdis Triesman, kaas oo uu sheegay inay isla garteen inuu wadamada Afrika culays ku saaro aqoonsiga Somaliland, “Waxaan markaas Maraykan ahaan idinka dalbanayaa inaad sidaas Ingiriiska yeeshaan.” Ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin

…..La soco