Xaaji Hadraawi, wuxuu wakhti hore inoo sheegay xikmadan ku jirtay maansadiisa “Daalacan”
Bulshadeenu waa duul
Daacad iyo xishood badan
Dun xariira weeyaan
Cidna uma darraadaan
Dar Allay ku dhaqantaa
Dareen waw dhegweyn tahay
Ogow doqonse maahee
Qofka maamul dalabliyo
Dabbaal-joogto hoosiyo
Dibindaabyo ugu maqan
Degdeg uma tilmaamaan
Nabar kulama duulaan
Dib bay ugu muddaystaan
Dulmigiisu waw kayd