Oo waxaan moodayay in kureydii magaca Siilaanyo ku shaqaysan jirtay ay inaga soo afjarantee, sow kuwan weli sii wata hawlahoodii ee uu yarkii Baashe kolba shirkad yar oo magac u yaal ah Imaaraadka Carabta ka soo samaysanayo. Intaas waxaan raacinayaa ninkan hantidhawraha ahi ama wuxuu noqon doonaa Maxamuud-dheere labaad oo halka uu baadho maalintaas uu galo ayaa warkeeda ugu horaysa uguna dambaysa ama hantidhawre la mahadiyay oo tuugta xoolaha umadda boobtay soo ururiya. Wadaadoow waa lagu eegayaa.