Anigu beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay gobalka Sanaag, waxaan ku odhanayaa xikmadii uu Abwaan Gaariye inooga tagay ee ku jirtay Maansada Ergo ee ahayd:
“Laba oorya walaaliyo
ilmaadeer is maquunsha
lama sheegin aduunkee
marka aan ugu liito
mar aan eeda sokeeyiyo
ilmahayga ku waayo
mar aan aayo la’aanta
seedigay ugu aaro oo
walaashay asay qaado
mar haday aqalkayga
haddii layga adkaadiyo
hadaan raystey idhaahdaba
mar lay oohin u tahay
bal maxaan istafiiday
Afartii garjahoodba
hadaan soo wada ooday
xageen geela irmaaniyo
markey beeshu haraado
u aroorinayaa”