GUUGUULE IYO MAANTA

0
746

Alle haw naxariiste Faarax Nuur wuxuu inagu yidhi

Waa duni la kala iibsadayoon, nala ogeysiine

Waa duni akhyaartii go'dayoo, aaran soo hadhaye

Waa duni ninkaad aamintaa, kuu abees yahaye

Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye

Waa duni xaqii la arkayaa, la arjumayaaye

Waa duni akhyaartii lahayd, iib ku doon tahaye

Anse ila ah Aakhiro Sabaan, iligyadiisiiye