Gudoomiyaha Sariflayaasha Oo Ka Hadlay Shirweyne Ay Qabsan Doonaan

0
1236

Hargeysa (Geeska)- Guddoomiyaha sarflayaasha Axmed Xasan Mataan(Awliyo) ayaa shalay jir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada hargeysa,  kaga hadlay arrimo khuseeye sarrifka, islamarkaana amaanay madaxda Baanka muddadii ay hayeen xilka sida fiican ee ay u xalliyeen sixir bararkii umadda naafeeyay wuxuuna si gaar ah u ammaanay guddoomiyaha Baanka iyo maamulaha Baanka dhexe sida ay ula socdaan suuqa sarrifka iyo maaraynta lacagta suuqa iyo baananka iyagoo isku dheelitiray xaddiga lacagta suuqa yaala si uuna kaash badani suuqa u galin.

Waxa kale oo uu iyana ku ammaanay sarriflayaasha sida fiican ee ay dadkooda ugu naxariistaan, iyagoo go’aansaday inay umaddooda ka jabiyaan dallarka lacagta dalkana qiimeeyaan. Waxaanu guddoomiyuhu farriin u diray ganacsatada wax iibisa inay dadkooda ka jabiyaan qiimaha maadaama oo uu dallarku kacsanaa hoos u dhacay.

Dhanka kale, waxa uu farriin codsi ah u diray baanka dhexe isaga oo ka codsaday inay ka wada shaqeeyaan cidda sarrifle noqon karta ee xaqa u leh si loo helo sarrifle kooban oo lala socon karo maalin walba waxa sarrifku marayo si ayna faraha ugu bixin habsami u socodka sarrifku.

Waxa uu sidoo kale guddoomiyaha sarriflayaashu ogaysiis u diray dhammaan sarriflayaasha Somaliland isaga oo ku wargeliyay in la qaban doono shirweynihii 1aad ee ururka sarriflayaasha isaga oo sheegay inuu guddi u saari doono soo muddaysa xilliga shirku qabsoomi doono.

Waxaanu ugu danbayn guddoomiyhu sheegay inay shirka ka soo qayb galayaan dhamaan gobollada dalka oo dhami.

Gobolka Togdheer 3 xubnood inta kale min 2 xubnood oo kaliya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here