Gudoomiyaha KULMIYE Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Haweenayda Ganacsatada Caanka Ah Ee B. Afrika

0
627

Hargeysa (Geeska )- Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna  murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay haweenayda asal ahaan u dhalatay Somaliland ee haysata dhalashada dalka Uganda, isla markaana ganacsiga ballaadhan ku leh bariga Afrika Marwo Aamina Xirsi Mooge oo booqasho ku timi caasimadda Somaliland ee Hargeysa Jimcihii.

IMG_95753(1)

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si diirran iyo dareen farxadeed ku soo dhaweeyey Marwo Aamina Xirsi Mooge oo iyada xubno wehelinayey booqasho  ugu tageen xafiiska xisbiga KULMIYE galabta, waxaanna halkaasi ku dhexmaray kulan is xog-waraysi xaaladdaha dalka iyo booqashadeeda la xidhiidha.

Kulankaasi waxa Guddoomiyaha KULMIYE iyo Marwo Aamina ku wehelinayey  Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere, Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri  Xaaji Ismaaciil Baandare, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta iyo

Wacyigelinta Marwo Shukri Xariir Ismaaciil iyo xubno kale, iyadoo sidoo  kalena si ballaadhan ay u qaabileen garabka haweenka KULMIYE oo iyaguna  ku soo dhaweeyey hoolka shirarka ee xisbiga oo waqtigaasi uu uga socday  shir ay lahaayeen.

Guddoomiye-ku-xigeeka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere oo markii  kulankaasi dhammaaday la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in Guddoomiyaha iyo Marwo Aamina si fiican uga wadahadleen danaha  Somaliland.

Md. Axmed Cabdi-dheere oo faahfaahinaya kulankaasi iyo natiijadiisa waxa  uu yidhi, “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi waxa uu si farxad leh u soo dhaweeyey haweenayda reer Somaliland ee ganacsiga ku leh dalka Uganda Marwo Aamina Xirsi, waxaannu uga mahadceliyey oo ku soo

dhaweeyey safarka ay ku timi dalkeeda hooyo ee Somaliland, sidoo kalena  waxa uu uga mahadnaqay booqashada ay ugu timi xafiiskiisa KULMIYE.”

“Waxa kaloo Guddoomiyaha KULMIYE u sheegay Marwo Aamina inay xisbi ahaan iyo guud ahaan shacabka Somaliland ku faraxsan yihiin ganacsigeeda iyo  heerka wanaagsan ee ay ka gaadhay oo ah buu yidhi ah mid magac iyo maamuusba u soo jiidaya sumcadda iyo kartida ummadda reer Somaliland,”

ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka labaad, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa ku daray, “Dhankeeda, Marwo Aamina waxay si farxad leh uga  mahadcelisay qaabilaadda iyo soodhawaynta ay kala kulantay xisbiga KULMIYE iyo guud ahaan dalka Somaliland, iyadoo si gaar ah u xustay inay

sharaf iyo qiimo wayn u tahay inay la kulanto Guddoomiyaha KULMIYE Md.  Muuse Biixi.”

“Waxa kaloo Marwo Aamina tidhi ‘Somaliland aad baan uga helay si fiican baa la iigu soo dhaweeyey, waxaannan hubaa in aan ku soo noqonayo oo aan ka mid noqonayo dadka maalgashanaya Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Md. Axmed Cabdi-dheere.

Sidoo kale, waxa Marwo Aamina Xirsi Mooge si wayn u qaabilay haweenka  xisbiga KULMIYE oo la wadaagay farxadda ay ku dhex naaloonayso dalkeeda  hooyo ee ay booqashada ku timi.