Gudoomiyaha Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Fikir Macquul Ah Ku Tilmaamay Hadalka Uu Xil. Waabeye Kaga Hadlay Murashaxnimada Madaxweyne Siilaanyo

0
843

 

Picture1Hargaysa( Geeska )- Gudoomiyaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye Md. Jaamac Ismaacil Cige ( Shabeel ), ayaa sheegay in aragtida gudoomiyahe ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye ka dhiibtay murashaxixiinta xisbiga ee doorashada dambe ee madaxtooyadu tahay mid macquul ah, waxaanu ku dooday inay u dhawdahay in aan madaxweyne Axmed Siilaanyo lagula tartamin musharaxnimada doorashada madaxtooyada.

 

Jaamac Shabeel waxa uu wargayska Geeska Afrika u sheegay inay adag tahay in madaxweynaha lagula tartamo doorashada madaxtooyada marka dhanka sharciyada laga eego, balse waxa uu ka gaabsaday inuu si cad isagu arintaas fikirkiisa uga dhiibto.

Ugu horayn waxaan su’aalnay bal sida uu u arko hadalkii gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye uu ka sheegay warbaahinta ee la xidhiidhay in madaxweyne Axmed Siilaanyo uu mar danbe doorahsada dib isugu soo taagi karo oo aany cidina la tartamayn, waxaanu si kooban u yidhi Jaamac Shabeel “ Sida uu u dhigay waa sida macquulka ah, Fikirkani waa dastuuri oo madaxweynaha  xisbiga horjooga  cid kulama loolamayo, Obama ( Madaxweynaha Maraykanka ) miyaa lala tartamay  imika, inta badan lalama tartamo hanaanka madaxweynaha ee raysal wasaaraha ayay dhacdaa, iyada oo la dhaliilayo mooyaane.”

Jaamac Shabeel oo  aanu su’aalnay bal aragtidiisa arintaas la xidhiidha inuu si cad noogu sheego ayaa ku gaabsaday “ Aragtidayda idiin sheegi maayo waayo masuuliyad ayaan hayaa, goluhu go’aanku gaadhi doono ma ogi, markaas inaan wax ka sii idhaahdo maaha.”

Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye, ayaa sheegay in xisbigooda Kulmiye uu madaxweyne Axmed Siilanayo iyo ku xigeenkiisa u noqon doono musharaxa iyo ku xigeenka doorahsada madaxtooyada, isaga oo arintaas ku sababeeyay in ilaa hada shacbi weynaha Somaliland ay ku qanacsan yahiin hogaamintooda.

Wargesyska Geeska Afrika ayaa dhawaan iftiimiyay inuu isa soo tarayo guuxa loolan siyaasadeed oo ka dhex jira xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, kaas oo ah murashaxa madaxweynaha ee xisbiga iyo guddoomiyaha xisbiga, waxaanu wargeysku tilmaamay in loolankaasi saamayn siyaasadeed kaga tagi doono gudaha xisbiga KULMIYE oo labadii shirweyne ee uu qabsadayba uu buuq badan oo khilaaf adag abuuray ka dhex dhashay.