Indho La’aantu Ma’aha Dhammaadkii Adduunka

0
547

Maxamed-HaaruunQormo dhiirrigelin u ah naafada dalkeenna ee isu dhiibay duruufaha, noloshana u arkay in ay la dhammaatay waayidda laxaadka… Xog warrankii M. Haaruun iyo isku dibaridkii Kamaal A. Cali

(1)

Waxa uu dhowaan wargeyska Geeska Afrika kulan la yeeshay Maxamed Haaruun oo ah xoghayaha arrimaha dibadda ee Xisbiga UCID.

Md. Haaruun waxa uu la’yahay laxaadka aragga, oo uu ku waayey miino la qaraxday sannadkii 1992-kii, xilli uu shaqo u joogay magaalada Balligubadle. Haaruun waa aqoonyahan shahaado jaamacadeed ku qaatay cilmiga xidhiidhka caalamiga ah iyo horumarinta dunida saddexaad, waxa aanu muddooyinkan dambe ku nool yahay carriga Ingiriiska.

Qormadani waxa ay in yar ka taabanaysaa hayaankii nololeed ee Haaruun, intii ka dambaysay markii uu indho beelay, waana qormo uu wargeysku ugu talogalay in ay cibro iyo dhiirrasho u noqoto boqolaalka Naafada muwaadiniinta ah ee laga yaabo in inbadan oo ka mid ahi ay duruufaha soo waajahay isu dhiibeen.

Aqoonyahan Maxamed oo ka warramaya xaaladdiisuna waa kan:

Qaabkii uu u indho beelay Maxamed Haaruun:

Waxa aan filayaa waxa aad u jeeda indho la’aantaada u abtiri, waxay la xidhiidhay dagaaladii wadanka ka dhacay iyo masaa’ibkii ka danbeeyay. Wakhtigii uu Siyaad Barre nidaamkiisii jabay ee aynu wadanka soo galnay waatii aynu miinooyin badan wadanka ugu nimi, markaas waxaan ka mid ahaa dhalinyaro 400 gaadhaysa oo Somaliland oo dhan ka koobnayd oo loo xulay inay wadanka miinooyinka ka nadiifiyaan.

Markaas waxaan ka shaqaynaayay oo aan miinada ka guraynay magaaladda Baligubadle ee imikana caasimada u ah gobalka Hawd,  waxaanay meesha aanu wax ka guraynay ay ahayd xero uu nadaamkii Siyaad Barre meesha ku lahaa, halkaas ayaa ay miino igaga qaraxday 26-kii Jun eek u beegnayd maalintii calansaarka, waxaana maalintaas ku dhaawacmay aniga iyo nin aanu saaxiibo ahayn oo reer Gabiley ahaa oo Cali Axmed la odhan jiray, Alle ha u naxariistee, oo markii danbe dhintay, halkaas ayaanay bahashu (Indho la’aantu) igala soo abtirsatay.

Horraantii hore si boqolkiiba boqol ah indhahayga umaan waayin ee waxbaa ka joogay, laakiin dhakhtar baan jirin oo taas ayaa wax sii xumaysay runtii, wax illaahay qadaray inuu ahaan waad iska arkaysay oo aan meelna looga fursan karayn.

 Markaan tagay waddamada qurbaha khaasatan Yurubta ayay dhakhaatiirtii igu yidhaahdeen waa goor danbe waxa aanay ku wacnayd in kolkii ay wax kugu dhaceen aad iman lahayd ama dhakhtar aad arki lahayd, inaan halkaas tago oo aan dhakhtar arkana way dhaci lahayd lakiin Illaahay baan qaddarin oo inay sidan ahaato ayaa illaahay qaddaray. In aan la noolaado indho la’aanta oo aan iska celiyo, oo aan muujiyo in ay tahay wax layska celin karo oo indho la’aantu laga adkaan karo ayuu illaahay qoray, sida runtii ahna waxaan is leeyahay malaha sababaha naafanimadaada xikmadda illaahay ka lahaaba waxay tahay dadka Soomaaliyeed oo fahan khaladan oo aad iyo aad u liita ka haysta indho la’aanta iyo guud ahaanba naafanimada in aad wacyi gelin u sheegto oo aad u sheegto in indha la’aantu aanay ahayn siday moodayaane ee ay tahay waxa lala noolaan karo oo laga adkaan karo. Lakiin waa hadii ay sidaas bulshadu kula fahanto, sidaas ayaanay sababtu ahayd.

Dareenkii Maxamed ee markii nabarku ku dhacay:

In dhaawac wayn dhacay waan arkaayay, dareenka aan qaatayna waxa uu ahaa in dhaawac laga soo kaban karaayo uu yahay hadii dhakhtar la helo, dareenkaas aan qaatay ayaana ila socday dhawrkii sano ee ku soo xigay markii shilku igu dhacay, fahamka noocaas ahi waxa uu ii khafiifiyey inaan ka soo gudbo sannadahii ugu horeeyay ee adkaa,  taas ayuu ii fududeeyay, lakiin waan arkaayay in shil halis ahi uu dhacay khasaare halis ahina uu igu yimi.

Mudo afar sano kadib ah markii shilku dhacay ayay ahayd, nin dhakhtar ah oo Itoobiyaan ah ayaan Itoobiya kula kulamay, ninkaas ayaanu ahaa ninkii ugu horeeyay ee ii sheegay in aan indhahayga waxba laga qaban karaynin, aad iyo aadna runtii waan ugu xumaaday, nin dhalinyaro ahna runtii waan ahaa.

Markuu arkay inaan ka xumaadayna waxa uu igu yidhi ( Indho la’aantu maaha dhamaadkii aduunyada), waad ka noolaan kartaa, waanad la noolaan kartaa, kalmadaas, ‘Indho la’aantu maaha dhamaadkii aduunyada’  macnaheeda  maan fahmin oo waxaan u arkay ninkaasi in uu iska hadlay, fahamkayguna waxa uu ku dhisnaa fahamka dadka Soomaaliyeedba ay ka haystaan ee quusta ah, ee ah qofku hadii uu indho beelo in aanay jirin wax u laabini oo uu qabsan karo ama cid u qaban karo, faham noocaas ah ayaa igu soo deg degay, hadalka uu ninkaas dhakhtarka ahi igu yidhina wax  macno ah oo uu ii sameeyay muu jirin, waxaanu fahamka hadalkaas talada ah macnahiisu ii yimi sanado badan kadib.

Hayaankii indho la’aanta kadib iyo waayihii qurbaha:

 Wadanka Ingiriiska waxa aan tagay 2001-dii, nasiib wanaagna halkaasna daganaasho rasmiya ayaan ka helay, waxaanan ku biiray bulshada Soomaaliyeed ee dhulkaas deggan, dadkeenana waxaad mooda in aanay wababa u kordhin ama halkaas ha joogaan ama halkanba’ee, Iygaan iskala fadhiistay. Runbaanan kuu sheegayaaye dadku halkaas (Ingiiriiska) markay joogaan way iska fadhiyaan waana la qaylaa, dadku inta badan ma shaqeeyo, wadankan lagu dhex nool yahay fursadaha ka banaan iyo sida looga faa’idaysan karo cidi uma hawl gasho, dadkeenaas uunbaanan qayb ka noqday. 

(2)

Wadanka Ingiriiska waxa aan tagay 2001-dii, nasiib wanaagna halkaasna daganaasho rasmiya ayaan ka helay, waxaanan ku biiray bulshada Soomaaliyeed ee dhulkaas deggan, dadkeenana waxaad mooda in aanay wababa u kordhin ama halkaas ha joogaan ama halkanba’ee, Iygaan iskala fadhiistay. Runbaanan kuu sheegayaaye dadku halkaas (Ingiiriiska) markay joogaan way iska fadhiyaan waana la qaylaa, dadku inta badan ma shaqeeyo, wadankan lagu dhex nool yahay fursadaha ka banaan iyo sida looga faa’idaysan karo cidi uma hawl gasho, dadkeenaas ayuun baan qayb ka noqday.

Waxaan arkay in ay noloshii nolal adag tahay, waayo guribaan keligay degay, markii hore ee aan joogay dalkana nin qoys balaadhan ka mid ah baan ahaa, waxaanay noqotay inaan nolol gooniya kaligay dhiso, dawlada halkaasu (Ingiriiska) waa ay icaawinaysay, lakiin waxan arkay inay nolashu mid adag tahay, waxaan u baahday in lay turjumo oo meelkasta oo aan tegaayo cidi ii raacdo, waxaan u baahday in la ii kaxeeyo meesha aan doonayo, waxaanay noqotay mar kasta oo aan baxaayo in koox dhami ay ikaxayso, inyar markaan joogayba waxaan war ku helay in indhoolayaasha wadankani (Ingiriiska) waxna bartaan mujtamacana si buuxda ay qayb uga yahiin, markaan fahankaas qaatay waxa igalay dareen ah, “Illeen indho la’aanta iyagaba haysta ayaa adigan ku haysatee, wax ka badan kuma hayaane, hadii fahanka qaldan ee bulshada Somaliyeed aad ka dhaxashay ee ah in hadii la indho beelo aan waxb la qabsan karayn aad dhinac iska dhigto, dadkaas kalana aad la jaanqaado bahashii waa laga adkaan karaa” Fahan ah baa igalay, waxa aanan ku talo galay inaan afka barto oo aan nidaamka waxbarashada ee wadanka dhex galo,Tiibaanan ku dhaqaaqay.

Bilowgii Waxbarashada:

Mac-had ay dadka indhaha la’ ay wax ku bartaan ayaan galay, halkaas ayaanan waxbarashadii ka bilaabay khaasatan afka iyo Kombiyuutarka  oo aanan waligay dul fadhiisan, oo aan moodayay inuu u gaar yahay dadka indho qabayaasha ah, waanan u qaadan waayay runtii dugsi balaadhan oo intaas oo  fasal ka koooban, oo leh Labreeriyadii, meelihii la seexanayay iyo meelahii lagu jimicsanayayba, ayaa maalin iyo laba casho lay tusay waxaana laygu yidhi adigaa meesha aad u baahato tagaaya, waanan u qaadan waayay oo aad iyo aad baan ula yaabay, laakiin waxaan arkay inay tahay wax lala qabsan karo, waxna waan ka bartay, waxaanan ku jiray mudo sadex sano ah, waxaana u diyaar garoobay inaan nidaamkii waxbarasho ee dadka indhaha qabay aan u soo gudbo, sanad kale oo wax barasho ah ayaan sameeyey, oo inta badan loogu talo galay dadka iyaga oo waaweyn dib waxbarashada u bilaabaya, kadib sidiibaan jaamacadii ku galay 2008-dii, waxaanan qalin jibiyay 2011, si naajax ah ayaanan ku dhameeyay, ardaydii aan wada dhiganaynay ee indhaha qabay inbadan oo kamid ah oo isugu jira dadkii dalka Ingiriiska u dhashay iyo dad kale oo ajaanib ah oo u soo waxbarasho doontay ayaan ka horeeyay, dhibco wanaagsanna waan helay, waxaanan xaqiijiyay in indha la’aanta laga adkaan karo.

Sababta uu u tegey jaamacadda dadka indha qaba:

Wadanka Ingiriiska kama jiraan jaamacado u khaasa dadka indhaha la’, iskuulo ayaa jira iyo kuwa xirfadaha shaqada ah oo markiiba lagu shaqo tagaayo, markaas inaad jaamacadaha dadka oo dhan ka dhaxeeya aad tagto waa lama huraan, jaamacad kasta waxa laga hirgeliyey nidaam ay u sameeyeen dadka baahiyaha gaarka ah leh (Naafada), shaqadooduna waxay tahay Matalan, dadka indhaha la’ aniga oo kale iga soo qaad, “In la ii sameeyo qof khaas iila fadhiista, markaan casharrada qaadanayo oo waxii samuuradda lagu qoro ama hadii uu waraaqo qaybiyo (Macallinku) ii akhriya, oo dabadeedna hadhaw marka laga rawaxo jaamacadii, Email ahaan inta ay qoraan iigu soo dira ayaa la ii sameeyay.

Waxii dhagaysiyana waad dhagaysanaysaa waxii qoraal iyo waraaqo ahna qofkaas laguu sameeyay ayaa kaa caawinaya oo kuugu beddelaya Kumbuterka oo aad ku akhrisan kartid, markaas Kumbuterka ayaa ah ka labaad ee caawimada ugu wayn aan ka halay.

Isticmaalka Talefanka gacanta iyo kombiyuutarka:

Waa su’aal meel walba laygu waydiiyo, xataa xagaas markaan joogo, waxa jira boragaraamyo (Programs) yar yar oo lacag yar lagu iibsado, oo Mobaylka iyo kumbuterkaba la geliyo, qofka indhaha la’na lagu tababaraayo, sida qofka indhaha qababa loogu tababaro Kombiyuutarka isticmaalkiisa, boragaraamkaasu wax kasta oo shaashadda Kombiyuutarka ku soo baxaba waxa uu u kharinayaa si dhaqso ah, marka uu qofku taas barto sida qofka indhaha qaba ayuu Kombiyuutarka u isticmaalyaa Emailka u dirayaa, waliba waabu kaga fiican yahay, waayo marar badan ayaabay saaxibbaday igu yidhaahdaan adiga oo xuruufta qaldaya kumaanu arag, wax caqabada oo indho la’aantu ay keenayso oo qoraalkisa ka muuqanayaana ma jirto ee waxa weeye qofka iyo kartidiisa uun.

Aragtida Haaruun ee gacan qabashada naafada Somaliland:

Caawimo dawladda Ingiriiska waan ka helay oo waa run, laakiin taageero dhaqaale ama mid farsamo intaan laguu gaysan, waxa ugu wayn ee la helo ee aynu u baahannahay, ee la samayn karaa waxay tahay in  la helo mujtamac waaciya (Baraarugsan) oo fahansan inuu waxani ( Indha la’aantu ) yahay wax laga gudubi karo oo qofku ka noolaan karo inuu yahay, oo aan qofka la niyad jabin oo aan laga hor iman, taas in la helo oo mujtamaca wacyigiisa kor loo qaado ayaa aad iyo aad u muhiim ah.

Imika wadamada carabta waan soo maray, dhaqaale xoogan ayay leeyahiin, lakiin waxay mushkiladi ka taagan tahay, dawladii iyo shacabkii baan fahansanayan sida dadkooda loo caawinayo ee wax loogu qabanaayo, hadii xataa aad dhaqaale hesho kuma caawinayso hadaan wacyigii dadka iyo wacyigii dawlada iyo bulshada guud aanay is beddelin, si loo arko in  dadkan la caawin karo iyaguna ay is caawin karaan, cid kaligeed isbixin kartaa ma jirto Illaahay mooyaane. markaas horta waxa ugu daran ee aan doonayo inaan u sheego dawladdeena iyo dadkeenaba waxa weeye in dadkan la caawin karo oo ay mushkiladdan ka baxi karaan in la fahmo ayay u baahan tahay.

Marka labaad, waxaan qorshaynayaa sidii aan wadanka u soo degi lahaa, aniga oo wadanka ka maqan wixii aan sameeyaa wax awooda malaha, wadanka imika dibadiisa waxaan ka samaynay hay’ad aanu ugu talo galnay inay dadkii indho la’aantu haysay ay caawiso, lakiin hay’adii kama shaqaynkarayso dalkii haddaanan anagii joogin, shaqada ugu wayn ee aan doonayo inay nolashayda garab socotaa waxa weeyaan sidii dadka indhaha la’a wax loogu qaban lahaa, wax qabadkooduna waxa uu ka bilaabmayaa sidaan sheegay in fahan iyo fikir lagu soo kordhiyo, markaas kadib ayuu dhaqaalahii iyo sidii wax loo qaban lahaaba ay imanayaan.

La soco….

 (3)

Waxaan doonaynaa in shuruucda wadanka wax laga badalo oo dadka indhaha la’a shaqooyinka ay qaban karayaan kooto loogu xidho, si dadkan ay nolashii dalka ugu qayb qaataan, dalkiina wax badan ma yaaliin ee wax yar baa yaala, xaga dhaqaalaha, xaga wax barashada iyo xaga fursadaha shaqada intaba, lakiin waxaas yar dadka naafada ah qaybtoodii kama helaan khaasatan kuwa indhaha la’a, waxaanu ku da’adaalaynaa inay waxaas yar ay intooda ka helaan oo ay ka soo baxaan gurayaha.

Imikadan laftigeeda si shaqsiya, aniga oo aan wadanka degganayan waxa aan ula shaqeeya dugsiga indhoolayaasha ee Doses Of Hop ay taageerto, boragaraamaydaas (Barnaamijyo Software ah) kumbuyutarka lagu isticmaalayo waan geeyay inkasta oo aanay lahayn macalimiintii wax ku tababarilahayd, imikana waxaan doonayaa inaan booqdo. Haddii qorshaha aan doonayo inaan wadanka ku soo dagaa uu ii shaqeeyana hay’ad balaadhan oo arintan u khaas ah ayaan wadanka ka samayn doona, waana goob khaas ah, oo dadka oo dhami aanay wada fahmaynin sidii wax loo bari lahaa ee loo dhiiri galin lahaa, waxaan rabaa in laga shaqeeyo, taasna waxaan rabanaa inay garab socoto in dadka soomaaliyeed guud ahaanba loo sheego fikirka quusta ah ee ay ka qabaan dadka ay dhibtaasu ku timaado inay joojiyaan, nidaamkii dawladnimadana in wax laga beddelo oo nidaam dadka u adeegaya loo sameeyo.

Siduu maxamed u arkaa in qofka loogu yeedho iin uu leeyahay sida indho la’aanta:

Horta shaqsiyan anigaaba isugu yeedha Maxamed indhoole, lakiin taas macnaheedu maaha in aanay arintaasu khalad ahayn, khalad waa ay tahay, waayo dad badan ayaan ogalayn in dhaawaca jidhkooda ka muuqda loogu yeedho, markaas in laga daayo oo qofka magaciisa loogu yeedho ayaa sax ah, anigase shaqsiyan dareen dhiba iguma hayso, lakiin waxaan u arkaa arrin khalad ah inay tahay.

Qofkana waxa u muuqanaysa indha la’aantan qof ka ahaysata ama lugo la’anaatiisa ee ma’arkaayo qofka ka shisheeyaba, markaas in karti la yeesho lagu arko in indho la’aantan uu qof ka danbeeyo oo qofkaas uu leeyahay karti uu wax ku qabto oo uu naftiisan wax ku tari karo bulshadiisana wax ugu qaban karo ayaa muhiim ah, intaas la’arkaana waxay u baahan tahay in dad isa soo saaray oo wax bartay la’ helo oo muujiya inay wax qaban karaan, bulshaduna ay la ogolaato inay wax qabsan karaan oo ay dib u dhigista ka daayaan.

Tusaale yar baan ku siinayaa wadanka aan joogo markaan jaamacadda ka imaaddo ee aan tareenka ka soo dego, markaan gurigayga tagaayo tagsibaan qaataa, niman Eeshiyaan ah ayaana inta badan ka shaqaysta, waad isla sheekaysanaysaan oo waxay ku odhanayaan xageed ka timi shandadii ayaad sidataa. “Ma shaqaad ku socotaa mise waxbarsho?” ayey ku waydiinayaan inta badan, lakiin qofka Soomaaliga ah, markaad u timaaddo suurto gal maaha inuu kugu yidhaahdo ma shaqaad ka timi mise waxbarsho? Maxaa yeelay umaba haystaan inaad shaqo ama waxbarasho tegi kartidba.

Markaan  ku jiray boodhinka ee aan wax baranaayay asxaabtayda Soomaalida ah markaan kala raagno waxay igu odhan jireen, “Ma meeshii baad ku maqnayd?” Markaan idhaahdo, “HAA” Haddana waxay igu odhan jireen, “Waar  niyaw meesha miyaa laydinku hayaa?”

Markaas waxa weeyaan fahamkii dadka ayaa u  baahan in kor loo qaado oo la soo gaadhsiiyo heerklaas ah, in sida ay dadka kalaba kaaga filayaan inaad shaqo ama waxbarasho ku maqan tahay inuu qofka Soomaaliga ahina ka filo qofkan inuu waxna baran karo shaqaysanna karo.

Talada uu Maxamed u hayo dadka laxaadka la’:

Horta inta badan dadka indhaha la’ waa dad fariido ah, waana dad aad u maskax badan, micnuhuna maaha in qofku marka uu indhaha la’yahay uu si toos ah fariid isaga noqonaayo ee waxa weeyaan karti qofkan  markiisa hore ku duugnayd ayaa marka uu laxaadkiisa qayb  kamid ah waayo soo baxaysa si uu qofku u yareeyo khasaarahii ay keentay naafo nimadu, nin indho la’buu ahaa ninkii bixiyay maahmaahda ah (doqonbaa indho la’a).

Dadka indhaha la’ intooda magaalooyinka joogta waxaan u soo jeedinayaa inay is waraystaan oo ay ka fakaraan sidii ay ururro bulsho u  samaysan lahaayeen oo dawladda iyo hay’adaha caalamiga ahba taageero iyo qaabkii loo caawin lahaaba ay ku waydiisanayaan, waxaan u  soo jeedin lahaa dadweynaheennana inay dadkaas ay ku caawiyaan waxii ay qabsanayaanba, dadka indhaha la’a ee wadanka dibada kaga maqan ee wax bartayna waxaan u soo jeedinayaa in dadkooda indhaha la’ ay kor ugu soo qaadi lahaayeen.

sababta oo ah ma xaragoon karayaan hadii bulshadii ay ka dhasheen ay aaminsantahay qofka indhaha la’a inuu yahay qof aan waxba qabsan karayn oo liita, si markaas bushada waciygeeda kor loogu soo qaado, dadkii naafada ahaana kor loogu soo qaado oo sida dadka kale ee qayrkood ah looga dhigo, maahana inuu jaaniskan qofku heli karo markuu Yurub tago uun ee, dalal afrikaan ah oo saboola ayaa dadkoodaas indhaha la’a wax bara sida Itoobiyadan inoo dhawba. Markaas anigu waxaan leeyahay arintu maaha qurba tegista iyo gudo joogista oo keliyaata ee waa fahanka dadka indhaha la’ iyo kuwa indhaha leh oo isbedala oo labadooduba ay u arkaan in bahashan indho la’aanta ah laga adkaan karo.

Dhammaad