Gudida Subeer-Celi Ee Muraad & Midnimo Oo Soo Dhaweeyay Xilka Waddani Ee Xildhiban C.qadir Jirde

0
852

Hargeysa(Geeska)-Shir ay yeesheen  Gudida Beelaha Subeer Celi Arab ee Lagu Doortay shirkii Bargoo  Nov.11.2014 Ayaa war Murtiyeed ay kaso sareen Shirkaasi u Dhignaa sidan:

1

“Gudida Beelaha Subeer-Celi ee Muraad Iyo Midnimo waxay ay Si Mug leh usoo dhawaynaysaa Gudoomiyaha xisbaga Wadani xil.Abdulkadir Xaji ismail jirdeh oo shirkii golaha dhexe ee xisbiga Wadani loogu Ansixiyay xilkaasi.

Beesha Subeer- Celi Arab oo kamid ahayd Beelihii Sida laxaadka leh u Tageeray xisbiga Muxaafidka ah ee kulmiye ayaan Marnaba ka helin xukumada Manta Milgo siyaasadeed,

waxbarsho,Caafimaad iyo dhaqaale intaba.

Hadaba iyada oo aynu ognahay eexda,Qaraabkiilka,iyo Hanti boobka aan loo Sinayn ee 6sano ee kulmiye Talada hayay ka socday xukumada Kulmiye oo cid Gaara iyo Beelo Gaar ahi Si Gaara ugu macasheen, waxanay Arintaasi Shaki Galinaysaa Sidii Beesha Subeer-Celi iyo Guud ahaan Beel waynta Arab Isaq  Ku Aminayaan Xisbiga Kulmiya ee ay Tacabka iyo dhiigaba U hureen.

  waxa ay Gudida Beeshu ku Baaqysaa Shirwayne ay Beeshu arimahaa diirada ku saarayso iyada xili Kala guura wadanku ku jiro, iyo Waliba Iyada oo Maanka laga hayo Taxaalufka iyo Qadarinta siyaasadeed (political alliance)  ee Uu soo bandhigay Xisbiga Wadani ,iyo Hungawga iyo Cadaalad Darada aan xadka lahayn ee Ay Beeshu ka dhaxashay xisbigii iyo xukumadii ay Beeshu Doooratay.

Si Gaara Waxa anay Beesha Subeer Celi u  ilaabaynin 4 Wiil oo Jamiciyiin ah oo Kaga dhintay Mudaaharadiidi Kala duwanaa  loogu Hiilinayay xisbiga Kulmiya iyo Madaxwayne Ahmed Siilanyo Xiligii Uu hamuun Qabay Hanshada hogaanka dalka.

Gebabadii Gudida Beeshu waxay Bishan Gudaheeda Iclaamin Doonta Shirwayne Siyaasadeed oo Aayo ka tashi Ah Laguna Casuumi Doona Qaybaha Kala dawan ee Beesha Sidii Loo gaadho Talo Midaysan oo Lagaaga Bixi karo Xaalada Kala Guurka wadanka Jamhuuriyada Somaliland Galay.”