Guddoomiyihii Xisbiga KULMIYE Ee Gobalka Maroodi-jeex Oo Is Casilay

0
719

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyihii xisbiga KULMIYE ee gobalka Maroodi-jeex Khadar Cabdi Xuseen, ayaa iska casilay xilkii guddoomiyenimo ee gobalka Maroodi-jeex.

1

Ma jirto war rasmi ah oo uu guddoomiyihii hore ku cadeeyay is casilaadiisa, laakiin warar uu wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya inuu dhawaan guddoomiyaha iyo murashaxa KULMIYE u gudbiyay istiqaalad uu xilka kaga degayo.

Warku wuxuu intaas ku daray in is casilaadda Khadar aanay ku lug lahayn arrimo siyaasadeed ee ay la xidhiidho arrimo shakhsi oo uu qoraalkiisa ku cadeeyay.

Mar aanu xalay isku daynay inaanu wax ka weydiino is casilaaddan, ayaanay noo suurtogelin. Laakiin Mr. Khadar ayaa tan iyo aasaaskii xisbiga KULMIYE ka mid ahaa raggii siyaasadda xisbiga ku soo dhex jiray, waxaanu sidoo kale ka soo qayb qaatay ololihii Muuse Biixi Cabdi loogu doortay murashaxa xisbiga KULMIYE ee madaxweynenimo.

Ma jirto cid ilaa hadda uu xisbiga KULMIYE u magacaabay inuu noqdo guddoomiyaha xisbiga ee gobalka caasimadda ah.