Guddoomiyihii Hore Ee Sarrifleyaasha Oo Guddoomiyaha Baanka Ku Bogaadiyey Siduu Wax Uga Qabtay 50-kii Dollar Ee Foojariga Ahaa

0
601

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyihii hore ee Sarrifleyaasha Somaliland Axmed Xasan Mataan (Awliyo), ayaa Guddoomiyaha Baanka ku hambalyeeyay siduu wax uga qabtay Kontonkii dollar ee foojariga ahaa ee dhawaan dalka soo galay.

Guddoomiyihii hore ee Sarrifleyaasha oo Shalay nagu soo booqday Xarunta Wargeyska Geeska Afrika ee Hargeysa, ayaa sheegay in Guddoomiyaha Baanka dhexe uu Go’aan wanaagsan qaatay markii uu amray in la joojiyo isticmaalka Kontonka saxda ah iyo kontonka, si ay u kala miirmaan, taasina aakhirkii keentay in kontonkii aan saxda ahayn uu dalka baxo.

Mr. Awliyo oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Waxaan jeclaystay inaan Guddoomiyaha Baanka dhexe iyo Xukuumadda ku bogaadiyo sida ay uga hawl-gashay arrimihii Maalmahan suuqa ka jiray ee ah Kontonka dollar ee Foojariga ah, marka koowaad waxaan ugu Hambalyaynayaa Guddoomiyaha Baanka dhexe sidii uu u xakameeyay ee uu wax uga qabtay, taasi oo (Haddii aan wax laga qabanin) sababi lahayd khalkhal Ganacsi iyo mid Maaliyadeedba, arrintaasi oo ah arrin uu Guddoomiyuhu khibrad u leeyahay, waxaanu ka saaray Mugdi dalka ku jiray, sidaa darteed waxaan leeyahay waa in qofku marka uu wax wanaagsan qabto la garab istaago.”

Axmed Xasan Mataan (Awliyo) waxa kale oo uu sheegay “Guddoomiyuhu sidaa uu dadka uga badbaadiyey Mowjadihii Kontonka dollar ee Foojariga waan ku hambalyaynayaa, taasi oo Maanta dhaawac weyn inoo geysan lahayd, caalamka Foojarigu wuu soo galaa, laakiin waxa lagu kala horreeyaa sida loo xakameeyo, markaa Guddoomiyuhu go’aankii uu ka qaatay ee ahayd joojinta kontonka dollar, waxay sababtay in Kontonkii Foojariga ahaa ka baxdo dalka, ujeeddada Guddoomiyuhuna waxay ahayd inay kala miiranto oo aanay is dhex qaadin kontonka Foojariga ah iyo kontonka saxda ahi, taana wuu ku guulaystay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Qodobka labaad ee aan doonayo inaan ugu Hambalyeeyaana waxa weeyaan, Dalabkii uu shirkadaha ka dalbaday inay la yimaaddaan mishiinnada Casriga ah ee qabanaya kontonka Foojariga ah, anigoo ku hambalyaynaya siday Shirkaduhuna amarkaa u qaateen..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office