Guddoomiyihii Baanka Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd Oo Xalay Ku Geeriyooday Magaalada Nayrobi

0
631

 

marxuumNayrobi(Geeka)-Alle haw naxariiste waxa xalay fiidkii magaalada Nayrobi ee dalka Kenya ku geeriyooday guddoomiyihii Baanka Dhexe ee Djibouti Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd.

 

Alle haw naxariiste Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, oo toddobaad ka hor uu ku soo booday xanuunka faaliga, waxa loo qaaday magaalada Nayrobi oo cisbitaal la dhigay, halkaas oo uu xalay ku geeriyooday. Marxuumka waxa la filayaa in maydkiisa maanta la geeyo dalka Djibouti oo lagu aasi doono.

Marxuum Jaamac Xayd, wuxuu ka mid ahaa masuuliyiinta ka tirsan dawladda Djibouti ee sida weyn uga shaqayn jiray isu soo dhawaanshaha xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Djibouti.

Alle haw naxariisto Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd, haddii aanu nahay bahda Geeska Afrika Media Center, waxaanu tacsi u diraynaa, dawladda iyo shacabka Djibouti iyo guud ahaan qaraabada, qoyska iyo asxaabta uu ka geeriyooday Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd.