Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka Ah Oo Eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi

0
543

Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ah ee WADDANI iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inuu iibsanayo xildhibaannada Xisbiyada mucaaradka ah ugu soo baxay Golaha Wakiillada, isla-markaana uu dacwaynayo Xildhibaanada muxaafadka ee taageera Isbahaysiga mucaaradka.

Labada Guddoomiye oo si wada jira Warbaahinta ula hadlay Maanta, ayaa Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu cashuurtii shacabka ku iibsanayo xildhibaanada mucaaradka, si doorashada Shir-guddoonka Golaha Wakiillada ay ugu codeeyaan Xubnaha KULMIYE u soo xulay Shir-guddoonka.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi (Cirro) ayaa  Madaxweynaha ku eedeeyay in uu qaadanayo xildhibaanadii mucaaradka isla markaana uu handadaad u gaysanyo xildhibaanada muxaafadka ee taageera isbahaysiga mucaaradka “Waxaad maqlayseen mudanayaal  axsaabta mucaaradka ka soo baxay oo yidhi waxa aanu taageernay xisbiga dowladda, mucaarad hadal haya marna lama maqal, waad garanaysaa tirada muxaafadka kasoo baxday ee taageeray mucaaradka, maalintii ay ka soo baxeen ilaa maanta xan baa socota la leeyahay waala dacwaynayaa” ayuu yidhi Cirro.

Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa isaguna yidhi “Waxaan leenahay Madaxweynaha lacagtii islaanta hilibka iibinaysa, ninka baabuurka wada ee cashuurta wada marista laga qaadayo, islaanta aan musqul haysan ee aan hadh haysan, lacagtii ummadda masaakiinta ah ayaa maanta lagu iibsanayaa xildhibaanadii”

Guddoomiye Faysal waxa kale oo uu sheegay “Waa nasiib-daro in cashuurtii ummadda xildhibaanadii lagu xumeeyo, oo wadadoodii laga leexiyo iyo in Rag UCID ah oo aan awood u lahayn in uu yidhaahdo heshiis baan la galay” ayuu hadalkiisa raaciyey.

 

Geeska.net/Hargeisa Office