Guddoomiye Xinif Oo Sheegay Inay Jagada Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Kulmiye Ay Ku Dhisayaan Madaxweynaha Iyo Wasiirkiisa Arimaha Gudaha

0
745

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha haayada barakacayaasha Cabdikariin Axmd Maxamed Xinif ayaa dhaliilay in wakhtigan siyaasiga Maxamuud Xaashi uu damco in uu noqdo  gudoomiyaha  xisbiga talada haya ee Kulmiye.

Siyaasigan oo ka mid ah xisbiga talada haya ee Kulmiye waxa uu sheegay in wakhtigan lagu dhisaayo xilkaas guddoomiyaha iyo ku xigeenka xisbiga Kulmiye oo ah madaxweynaha iyo wasiirkiisa arimaha gudaha, waxaanu isaga oo arimahan kala hadlay tilifishanka Sahan uu yidhi  “ Maxamuud inaan dhisaana xaq ayuu u leeyahay inaan cid kale dhisanaana  xaq ayay u leedahay inaan anigu idhaahdo I dhisana xaq ayaan u leeyahay dadka ayuunbaanu ka mid nahay oo waxba kuma kala duwanin, Maxamuud sabab loo colaadiyo garan mayo, sabab uu gooni isugu saarana garan maayo sabab uu dadka kale uga duwanaadana garan maayo, Maxamuud waxaan doonayaa inuu siyaasada uu xisbigu qaatay uu la qaato, anigu waan u tagay runtii waxaan ku idhi Maxamuudow maanta jaaniskan ma lihid  hayska xumayn jaanisyadaada danbe, waa laga yaabaa wakhtigan wakhti dhaama inaad jaanis yeelatee  maanta ma lihid xisbigana dan uguma jirto, khilaafka noocaas ah xukuumadana waa uu saamaynayaa ee maanta jaaniskan  Maxamuudow ma lihide iska daa, arintaasi hore maskaxdayda uguma jirine madaxweynuuna inuu guddoomiyaha xisbiga noqonaayo cidi iima sheegin maan ogayn, waxa uu yidhi talo ayaan isugu noqonayaa, taladana waxa uu ku soo tashaday anigu waan ka sugayaa oo oday weyn oo is xilqaamay ayaan ahay oo is yidhi intaanay meel shishe gaadhin haday halkan ku bakhtiyi karayso ha ku bakhtido.”

Guddoomiye Xinif oo ka hadlaayay cida ay dhisayaan waxa uu yidhi“ Han waan leeyahay oo wax waa doonayaa laakiin hada guddoomiye xisbi  iyo ku xigeen toona ma rabo labadaba labada nin ee jooga ayaan ku kala dhisaynaa, wakhtigan imika  anigu wakhti kale kama hadlin ee jaaniskan maanta ah iyagaa leh.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here