Hargeysa(Geeska):-Gudoomiye xigeenka kowaad ee aqalka golaha wakiilada Somaliland Md.Baashe Maxamed Faarax, ayaa baaq nabadeed u diray beelo ay dirir ku dhexmartay degaanka Taleex. Waxana uu ugu baaqay in la joojiyo dagaalka halkaasi ka socda, islamarkaana ay labada beelood ixtiraamaan baaqyada nabadeed iyo ergooyinka kala dhexgalaya. Md.Baashe Maxamed Faarax, ayaa hadalkan ka sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey telefeeshanka Bulsho, waxaana uu sheegay in aanay jirin cid hadda Somaliland uga gurmanaysa beelaha dagaalamay balse ay Beelaha la dariska ahi u gurmadeen sidii ay u kala dhex gali lahaayeen labada beelood.
“Waxa weeye laba reer oo walaalo ah.Dagaal wax allaale wax uu taraa ma jiro. Dagaalka Soomaaliduna waa dhibaato uun iska socota. Waxa weeye dad walaalo ah, waxaanu u soo jeedinaynaa inay dagaalka ka waantoobaan oo caqligu shaqeeyo, oo ay xabbadda joojiyaan, oo ay maqlaan dadka Ergada ah ee jooga Taleex. Dadka Ergada ahina waa inay kala dhex galaan. Waa in heshiiskaas laga dhigaa mid aan dagaal soo noqnoqon, waa in laga dhigo heshiis adag oo tolku talaabo adag ka qaadaan.”.Ayuu yidhi Md.Baashe Maxamed Faarax.
Gudoomiye xigeenka koowaad ee aqalka wakiilada Somaliland oo hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaanu labadaas beelood u soo jeedinaynaa dagaal waxba ma taro, laguma kala guulaysto oo guul ma keeno. Waxa aad dilaysaa waa walaalkaa If iyo Aakhirana waad seegaysaa, waxaad dilaysaana waa ninkii reerka kula oodi lahaa ee kuu ciidamin lahaa. Waxaanu soo jeedinaynaa in si Islaamnimo ah loo dhex-galo labada reer, iyaguna si dhakhso ah u joojiyaan dagaalka. Waxaanu ka rajaynaynaa inay maqlaan ehelka iyo ergooyinka dhexdhexaadinaya.”. Gudoomiye xigeenka oo ka hadlaya cid ilaa hadda u gurmatay labada beelood waxa uu yidhi “Salaadiin iyo cuqaal badan ayaa ka baxay degaanka Laascaanood, markaas arrintan oo kale waxaa ku fiican in dhaqanka loo daayo, haddii laga maarmi waayo waxay noqonaysaa in guurtidu meesha tagto, oo dad isku dhafan oo kala reero ahi meesha tagaan, laakiin, xagga siyaasiyiinta arrintan oo kale waxaa kaga haboon dhaqanka.”.