Guddoomiye Saleebaan Oo Xisbiyada Mucaaradka Ah Ku Waaniyay Inay Buuqa Doorashada Dajiyaan

0
631

 

Hargeysa( Geeska)- Guddoomiyaha golaha guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa xisbiyada mucaaradka ah ee dalka ku dhaliilay inay wali ka guuxayaan muddo kordhintii uu golaha guuridu uu sameeyay, waxaanu ugu celiyay in muddo kordhintaas aanay waxba iska badalayn.

Guddoomiye Saleebaan oo ka hadlaayay golaha guuritda oo ka soo laabtay fasaxoodii ayaa xooga saaray ka hadalka arimaha doorashooyinka, waxaanu isaga oo arimahan ka hadlaayay uu yidhi “ Doorashooyinkan la’la qaylinaayo muddona waa aynu qabanay hadana waa la qaylinayaa, qayladaasina meeel kaliyaata ayay ka socotaa oo waa asxaabta ayaa inagu buun buuninaaya, asxaabta waxaanu leenahay  waaqaca ha la aqbalo doorashada mudo ayaa loo qabtay mudadeediina waa ay ku dhacaysaa, khilaafka ayay kordhisaa hadii la hadalhayo uun wax mudadii wax iska badalayaana ma jiraan, waxaanse anigu qabaa hadii aan mudadas ku qabankarno oo waliba raga ka masuulka ah doorashadu ay inagala qaybgalaan oo hadalkana ay yareeyaan  doorashadana loo dhaqaaqo waa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here