Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad Ee Wakiilada Iyo Xildhibaano Ka Hadlay Aqoontay U Lahaayeen Dr Cabdi Aw Daahir

0
558

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye iyo Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac), ayaa tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxay ALLE ha u naxariiste Dr Cabdi Aw Daahir oo ku geeriyooday Magaalada Burco, waxayna ILLAAHAY uga baryeen inuu ehelkiisi, qaraabadiisi, Asaxaabtiisi iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay samir iyo imaan ka siiyo, jannadii fardawsa ka waraabiyo, waxa kale oo ay ka hadleen aqoontii ay u lahaayeen,

1

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaana ugu horeyn yidhi “Qof walba wuu dhimanaya, geeriduna waa xaq, Cabdi Aw Daahirna waxa uu ahaa nin aad u qiimo badan, waxa uu ahaa Dhakhaatiirtii ugu horeeysay ee ka soo baxay Jaamacadii Xamar, meelo qiimo badan buu ka soo shaqeeyey, SNM-tii buu ka soo shaqeeyey, waxa uu ahaa Dhakhtar aad u qiimo badan, waxa uu soo noqdo Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, waxa uu ahaa nin Siyaasada ku wanaagsan, waxaan leeyahay samir iyo imaan, ILLAAHAY ha u naxariisto, inagana samir iyo imaan ha inaga siiyo, Jannadana ha galiyo, Dr Cabdi Aw Daahir ALLE ha u naxariiste waxa kale oo uu ahaa nin aad u hadalo cad cad, oo waxa uu aamisan yahay aan la dhuumanin, asaxaabtiisi, ehelkiisi iyo umadda reer Somaliland waxa aan leeyahay samir iyo imaan bedel khayr qabana ALLE ha inoogu bedelo, godkana ha u nuuro,jannadiina ha ka waraabiyo”.

Xildhibaan Maxamuud Axmed Obsiiye ayaa isna waxa uu yidhi “Geeridu waa xaq, Dr Cabdi Aw Daahir Wasiirkii hore ee Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Siyaasi qiimo badan oo ruug caddaya ayuu ahaa, markii uu Jaamacada ka soo baxay ee uu dhamaystay, sida aan anigu xogogaal u ahay, arimo siyaasadeed buu ku jiray tii Somaliya; Somaliland ba wuu ka qayb galay, waliba kaalin wax ku ool ah ayuu ka hayey, Siyaasiyiinta ugu wanaagsan ee dalkan u dhashay ayuu ka mid ahaa, Dhakhtar aad u qiimo badan oo bulshada u adeegana uu ahaa, waxa aan ILLAAHAY uga baryayaa inuu jannadii fardawsa geeyo, ehelkiisi, qarabaadiisi iyo ubadkiisina waxa aan leeyahay samir iyo imaan”.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), ayaa isna yidhi “Qof walba wuu dhimaya, naf walbana wadadaas ayeynu haysanaa, Dr Cabdi Aw Daahir mujaahid buu ahaa, SNM buu ahaa, qof aad u qiimo badan buu ahaa, Nin akhlaaq wanaagsan buu ahaa, nin dabeecad wanaagsan buu ahaa, dadkana si siman ula dhaqma, ILLAAHAYNA waxa aan ka baryayaa inuu jannadii fardawsa ka waraabiyo dadkiisi iyo umadda reer Somaliland inuu samir iyo imaan ka siiyo, waxaana leeyahay adduunka lagu waari maayo ee aynu isa saamaxno”