Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Madaxweyne Biixi Ku Dhalliilay In Xaalada Dalku Ay Istaag Gashay, Tan iyo Intii La Dortay

0
820

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mcuaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe ayaa madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu joojiyay doorashadii dalka, isla markaana nidaamkii dalka uu istaag galiyay, waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in loo baahan yahay in dhaqaalaha dalka la socodsiiyo, maamulka la daadajiyo isla markaana meesha laga saaro awoodda gacanta madaxweynaha uun ku ururtay.

Guddoomiye Faysal ayaa madaxweynaha u soo jeediyay hadii xaalada dalku ay mugdi gasho in madaxtinimada madaxweynuhuna mugdi gali doonto, waxa uu baaq u diray beelaha dagaalamay ee walaalaha ah .

Guddoomiye Faysal ayaa sidan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaas oo uu dhaliishii ugu badnayd uu ugu  jeediyay madaxweyne Biixi, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay     “ Masiibada Ceel-afweyn dadkaas ku ordaaya naarta waxaanu leenay naarta ka jooga oo qofkii qof muslim ah dila alle ayaa inoo cadeeyay inuu naarta galaayo, waxaanu leenahay dagaalkaasi mid xaq ah maaha, waa dagaal jahlinimo, nabada ka shaqeeya dad isdhalay ayaad tihiin, oo meel alle ku wada abuuray waxaad tihiin dad alle halkaas wada dajiyay, qofka qof loogu aaraa kii dhintay ma soo celinaayo dhimasho kale ayuunbaa imanaysa waxaanu leenahay ha la joojiyo dagaalkaas oo alle ka baqa, dhacdadaas soo jiitantay waxa ay dusha ka saaran tahay dawlada Somaliland ama xukuumada Kulmiye aan nidhaahno tii hore iyo tanba waxaanay ka markhaati kacaysaa hogaan xumaanta dalka ka taagan, dalku waa uu sii socdaa oo umadu waa ay furfurmaysaa kala danbayntii ayaa meesha ka baxaysa waayo dawladii ayaan shaqaynayn, intaas oo arimood oo labadaas sanadood inoo jiray dawladu mid ay xalisay majirto, Tukaraq oo ay ku bilowday ma xalisna, waa taas aduunku leeyahay Tukaraq ka wada hadla idinka iyo maamulka Maxamuud Saleebaan,  waataas oo doorasho ma socoto oo looma jeedo tii deegaanka waad aragtaan oo iyaga oo aan sharci ku shaqaynayn ayay shaqaynayaan, waa inoo kow taariikhda tii wakiilada looma jeedo anaga Ucid ahaan uunbaa dabada ka riixayna laakiin dawladu uma jeedo, Waddani ayaa diiday oo yidhi Komishan ha la kala saaro marmarsiiyo noqon mayso, xilku waxa uu saaran yahay dawlada bishaas bisheedii ayay ahayd markii Ceel-afweyn lagu heshiiyay ilaa maanta markay soo noqotayna waa dawlada arintaasi, markay arintani dhacdo madaxyo ayaa la  jaraa hadaad tahay dawlad shaqaynaysa cidii masuuliyada ka soo bixi waydana waa la eryaa laakiin meeshan cid cid xukuntaa ma jirto, jaanisyo fiican oo dibada ah ayaa socda laakiin hadaanu guduhu shaqaynayn dibaduna ma soconayso oo dhado ayay noqonaysaa, waxaanu leenahay dadka Somaliland waxa ina haystaa wax kale maaha ee maamulkii ayaa istaagay.”

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Waxaanu leenahay  madaxweynaha dadku adiga ayuu ku doortay ee anagu Kulmiye ma naqaano nidaamkeenuna waa nidaamka madaxweynaha waxaad samaysay wado oo balamo ayaad qaaday dalku ha socdo dalku waa uu taagan yahay,qofba halka uu joogo ayuu waxa uu doono uu ka samaynayaa kala danbayn iyo isla xisaabtan ma jiro qof wax qabanayaa ma jiro ee gacmaha ayaa la wada laabtay, madaxweynuu waxaanu gogayn talaabo lama qaadayo waa arin inagu cusub, qof yidhi hadii islaan la soo xidhaayo aniga ayaa ka hadlaaya oo taladeeda goynaaya waa inoo kow, dawlada waanu is garab taagnay oo waanu la shaqaynay in wadanku socdo laakiin dawladu ma shaqaynayso sidaasna lagu jiri maayo umadu waxay doonaysaa in loo shaqeeyo oo dhaqaaluhu koro oo xuduuda la tago, in dadka la mideeyo ayaa la doonayaa in ictiraaf aynu helno ayaa la doonayaa laakiin kursiga ayaan iskaga fadhiyayaa wax soconaaya maaha, in ciidamo reer mii ah ay isku dilaan tigniko oo dalka ay dhex socdaan tigniko meesha dawladi ka jirto qoriga ayaa mabnuuc ah in la’la dhex socodo, tigniko ayaa laysku weerarayaa dawladina waa ay jirtaa isma qabanayaan.”

Waxa ugu danbayntii uu guddoomiye Faysal Cali Waraabe madaxweynaha uga digay in uu dalku gali doon xaalad madow hadaan laga leexan wadada lagu socdo “madaxweynaha waxaan leeyahay maalintii ugu danbaysay ee aynu sadexda xisbi ku hadlaynay waxa laguu balan qaaday madaxweyne doorashada inoo qabo markaan arintaas ka baxnona aan gacmaa is qabsano hawlaha qaranka oo dhana aan qabano inaga oo gacmaa is haysana kalmadahaasi waxay ka soo yeedhayeen Waddani hadana waan kula taaganay, waxii inagu soo kordha waa inaan talo qaran ka yeelanaa waa lagu garab  taagan yahay oo waddani oo aad ka cabanaysay waxa uu ku yidhi sidaas laakiin arintu dhankaaga ayay ka fadhidaa runta  ha la cadeeya ayaa la yidhi, doorashadu dhankaaga ayay ka fadhidaa waxaad iska tustayna garan maayo laakiin waxaan kuu sheegayaa hadaad doorashada qaban waydo Somaliland mudi ayaad galinaysaa madaxnimadaadana muqdi ayaad galinaysaa jiritaanka Somalilandna mugdi ayaad galinaysaa kaana yeeli mayno inuu tacab qasaar nagu dhaco. Waxaanu leenahay madaxweyne arintii Khaatumo waa jirtaa, dildilaacii doorashooyinka ayaa jira in la dhameeyo weeye.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here