Guddoomiye Cirro Oo Ka Hadlay Goobaha Waqooyiga Ee Ay Xukuumadda Fasaxday In Laga Codeeyo Doorashada

0
692

Hargeysa(Geeska):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka hadlay wareegto ay xukuumadu ka soo saartay goobaha waqooyiga Hargeysa ee aanay diwaan gelinta iyo doorashooyinka midna ka dhicin.

1

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay inaanay xukuumadu kaligeed xaq u lahayn inay kaligeed  go,aan ka gaadho goobaha ka caaganaa doorashooyinka iyo diwaan gelinta waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Bishii Feberwari  ee sanadkan aynu ku jirno markii ay diwaan gelintu ka bilaabmaysay gobolka Awdal, madaxtooyada ayaa layskugu yimid waxaana laga wada hadlay arimaha ku saabsan diwaan gelinta gobolka Awdal iyo lixdaa goobood, asxaabta, guddida doorashooyinka iyo xukuumadaba waxa laysku raacay in xukuumadu iyada oo raacaysa taariikhdii lixdankii iyo dastuurkii ay gobolka ay munaasibka ku yihiin ee ay taarikhiyan uga soo jeedeen la raaciyo bil gudaheed, si ay dadka goobahaasina u helaan xaqoodii ahaa inay isdiwaan geliyaan, codeeyaan waxna doortaan, waxay ila tahay go,aankii aanu ogayn kaas ayuu ahaa, go,aan danbe oo layskugu yeedhay dadka ay khusayso arintani ma jirin,markaa waxa xukuumada waajib ku ah inaanay kaligeed go,aan qaadan ee layskugu yeedho dadka ay khusayso arintani, waajib ayaanan u aragnaa inay dadkaasi helaan xaqoodii dastuuriga ahaa, in la diwaan geliyo iyo inay codeeyaan laakiin marka hore waxa xukuumada ku waajib ah inay  cid raaciso iyada oo u raacaysa dastuurka iyo taariikhdii ka horaysay 1960”ayuu yidhi gudoomiye Cirro oo u waramay Univeral TV

Sidoo kale gudoomiye Cirro ayaa waxa uu tilmaamay inay muwaadiniintu xaq u leeyihiin inay ka qayb galaan doorashooyinka oo dhan, xaqoodana aan lagu soo koobi Karin inay doorashada madaxtooyada oo  kaliya ka qayb galaan “Muwaadinku xaq ayuu u leeyahay inuu doorto baarlamaan iyo deegaan,xaqna uma laha inuu madaxweyne qudha doorto markaa qofka xaqiisa lagama qaadi karo inuu baarlamaan doorta iyo inuu deegaan doorto, arintaasna xukuumadu haday kaligeed go,aan ka gaadhayso waxay ila tahay inaanu go,aan sax ah ahayn, laakiin waa in  dadkaas xaqooda la siiyaa dhulkaana meesha ku haboon waa inay xukuumadu raacisaa talo midaysana laga yeeshaa, diwaan gelintuna si fiican ayey inoogu socotay hada umana baahnin khilaaf hor leh oo arinta diwaan gelinta iyo doorashada khuseeya, markaa arintaasi waxay u baahan tahay in go,aan midaysan oo dhinac walba laga eegayo laga yeesho.”

Dhinaca kale Gudoomiye Cirro waxa uu tilmaamay in doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxtooyada mar la wada qaban karo haddii madaxweynuhu go,aan ka gaadho saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada waxaanu yidhi “Shacabku way ka dharagsan yihiin heerarkii ay soo martay saami qaybsiga kuraasta wakiiladu,  bishii afaraad golaha wakiiladu waxa uu u gudbiyey madaxweynaha in talo qaran laga yeesho saami qaybsiga kuraasida gobolada ee baarlamaanka, madaxweynuhu bishii lixaad ayuu soo celiyey axsaabtu inay ka soo talo bixiyaan, asxaabtuna markii talo midaysan laga waayey arintaas madaxweynaha ayey dib ugu celiyeen, madaxweynaha ayaanay arintaasi la taalaa jawaabtiina waa laga sugayaa, todobaadkii dhawaana waxaanu ka qayb galnay kulan lagaga hadlayey arinta dhamaystirka diwaan geliyo iyo doorashada, xukuumaduna waxay cadaysay ilaa hada inay u qorshaysan tahay in labada doorashaba wakhtigooda la qabto, waxaanan qabnaa haddii madaxweynuhu go,aan ka gaadho oo aanu ku waafaqnay in go,aan kasta oo uu ka gaadho arinta saami qaybsiga aanu ku taageri doono  in labada doorasho la wada qaban karo ayaanu qabnaa laakiin go,aanka madaxweynaha ayey ku xidhan tahay.”

Gudoomiye Cirro ayaa sidoo kale sababeeyey dib u dhaca ku yimid shirkii golaha dhexe ee xisbiga Waddani “Waxaynu la soconaa in diwaan gelinta gobolka Sool ay bilaabmi lahayd 11 Ogost, toban cisho ayaa lagu daray anaguna 8 cisho ayaanu ku darnay arintaas diwaan gelinta gobolka Sool ayaana sababtay.”