Guddoomiye Cirro Oo Booqday Odayaal Reer Hargeysa Ah Oo Xanuusanaya

0
464

Picture3

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa shalay booqasho ugu tagay saddex oday oo reer Hargeysa oo u jiifa xanuuno haleelay.

Saddexda oday ayaa kala ah Sheekh Cabdillaahi Diiriye (Sooraan) Eng. Maxamed Jaamac Caraale (Eng Caraale) iyo Cali Ducaale Seed (Cali Madoobe). Guddoomiye Cirro oo ay weheliyeen xubno ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa ugu horayn wuxuu cisbitaalka Hargeisa Neurology ku booqday Sheekh Cabdillaahi Diiriye Sooraan oo muddo xanuun ku soo booday u jiifa, waxaanu Alle ka baryay inuu Sheekha caafimaad taam ah siiyo. Qoyska Sheekh Cabdillaahi ayaa guddoomiye Cirro uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid.

Sidoo kale wuxuu gurigiisa ku booqday Eng Maxamed Jaamac Caraale (Eng. Caraale) oo ah shakhsi caan ka ah magaalada Hargeysa islamarkaana ay guddoomiye Cirro wakhtiyo badan soo wada qaateen. Eng. Caraale oo bishan Ramadaan bilowgeedii uu isagana xanuun ku soo booday balse ay xaaladiisa caafimaad wanaagsantaha,  ayaa soo dhaweeyay guddoomiye Cirro, waxaanu uga mahadceliyay booqashada uu guddoomiyuhu gurigiisa ugu tagay. Cabdiraxmaan Cirro ayaa isaguna Eng., Caraale Alle uga baryay inuu siiyo caafimaad buuxa.

Ugu dambayn wuxuu Cabdiraxmaan Cirro gurigiisa ku booqday oday Cali Ducaale Seed (Cali Madoobe) oo isaguna xanuun u jiifa. Cali Madoobe iyo carruurtiisa oo uu ka mid yahay Maxamed Cali Madoobe oo ah guddoomiyaha arrimaha bulshada ee guddiga horumarinta Afgarad ayaa si weyn u soo dhaweeyay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, iyagoo uga mahadceliyay booqashada uu ugu tagay aabahood oday Cali Madoobe. Cali Madoobe ayaa isaguna guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Alle uga baryay inuu ka abaal mariyo booqashada uu bil ramadaan gudaheed ugu tagay isagoo xanuunsanaya.

Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu xalay cawayskii cisbitaalka ku booqday xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo u jiifa nabaro ka soo gaadhay jidh dil uu sheegay inay ilaalada madaxtooyadu u gaysteen. Xildhibaan Xasan Cawaale ayaa qalbi furan ku soo dhaweeyay booqashada uu guddoomiyuhu ugu tagay.