Guddoomiye Cali Yuusuf Oo Si Adag Uga Jawaabay Farogelinta Somaliya

0
646

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed, ayaa ka hadlay go’aanadii ka soo baxay dawladda Somaliya ee ku saabsanaa Doorashooyinka ka dhici doona sannadkan,  oo ay ku soo darsadeen qorashahooda Somaliland, waxaanu sheegay inay wax aad loola yaabo ay tahay inay Somaliland ku darsadaan, waxaanu tilmaamay in Somaliland yahay dal madax banaan oo shuruudihii iyo shardiyadii looga baahnaa dawladnimo buuxiyey, dibna aanay ila midoobi doonin Somaliya.

1111111111111

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa isaga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika sidoo kale ka  baaq u diray Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon, oo uu ugu baaqay in aanu isku khaldin  Somaliland iyo Somaliya  waxaanu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaya “Shirkan iyo waxan laga wado Somaliya waxba kama jiraan, imika Doorasho ayey sheegayaan, Doorashadana waxa loo yaqaana inuu qof walba codeeyo, laakiin Somaliya in yar oo kooban oo laalush la siiyo ayaa meel iskugu imanaysa, oo Barlamaanka u codeeynaysa, Madaxweynahana u codeeynaysa, laakiin anagu waxa aanu leenahay Dastuur, Shuruuc iyo Sharci, Dastuurkayga waxa u codeeyey 97%, ee iyagu Dastuurka ay sheegayaan yaa u codeeyey, Somaliland muddadii ay jirtayna waxa ka hirgalay Dimuqraadiyad iyo  nidaam dawladnimo, waxa la galay Doorashooyin xor iyo xalaal ah oo Shacabku codkooda si toos ah u dhiibteen, Doorashooyinkaas oo kala ah Doorashooyin Madaxtooyada, Doorashooyin Barlamaanka iyo Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka, ee waxa aan leeyahay Somaliya kala quusanay ee aynu kala qoomama la’aano”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa mar uu ka hadlaayey midawgii Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi “Markii hore Somaliland kamay mid ahayn Somaliya ee markii aynu xoriyada qaadanay ayeynu isku biirnay, waxayna raadinaynay Shantii Somaliya, markaas Somaliya si rasmiya iskumaynu biirin, waayo laba Barlaman oo is raacay may jirin, hafti is raac oo loo codeeyey may jirin, been bay sameeyeen,  Barlamaankeenu waxa uu ahaa 33-xubnood iyagana waxa uu ahaa 60-xubnood markii ay xoriyadu soo dhawaatay  ayey  30-xubnood ku darsadeen oo  waxay ka dhigteen 90-xubnood, marka waxa aynu isku noqonay 123-xubnood, waa la codeeyey weyna ku shubteen, taasina waxa ay noqotay in aanu is raac hagaagsani jirin, hafti ayaa markii dambe dadka Somaliland laga qaaday, waxayna intoodii badnayd ku codeeyeen in aanay Somaliya doonaynin, markaas markii Somalidii kale arkeen cadaalad darada lagula kacay Somaliland ayey iyana candhuuftoodii dib u liqeen, inaguna markii la inagu sameeyey cabudhin, cadaadis iyo dil ayeynu xoriyadeenii dib ula soo laabanay”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada ayaa mar uu baaq u diraayey Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa waxa uu yidhi “Xoghayaha Qaramada Midoobay Ban Ki-moon taariikhda Somaliland waxba kama oga, muu akhrisan waxna  kama oga is raacii Somaliland iyo Somaliya, ee waa inuu aad uga fiirsado hadalada qaarkood ayaa haboon, oo marka uu soo akhristo uu wax ka yidhaahdo, Beesha Caalamkana waxa aan leeyahay Somaliland iyada ayaa isku tashatay,  oo wax qabsatay ee dawladnimadeena qira”.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Dr Cali Yuusuf Axmed ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay qiimaha sarifka, waxaanu Ganacstada kala duwan ugu baaqay inay dadkooda u naxariistaan, oo maceeshada u jabiyaan, waxa kale oo uu ka hadlay nidaamka cusub ee ay Xukuumaddu ka soo saartay dadka ajaanibka ah ee dalka ku sugan, oo uu  soo dhaweeyey, waxaanu sheegay inuu dal walba xaq u leeyahay inuu ilaaliyo nabadgaliyadiisa, isla markana dadka ajaanibka ah ee ku sugan in la ogaado.