Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro Oo Xukuumada Ku Dhaliilay Inaanay Dareen U Lahayn Is Baddelka Itoobiya Ka Socda

33
2559

Jarmalka(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cadbilaahi ( Cirro), ayaa xukuumada ku dhaliilay in aanay isbadalka Itoobiya oo saamayn ku leh Somaliland aanay wax dareen ah ka bixin, waxaanu su’aal ka keenay dekedaha ay Somaliya iyo Itoobiya ku hesheeyeen inay ta Berberi ku jirto iyo in kale in umadda loo soo bandhigo.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa xukuumadii kala danbeeyay ee Kulmiye ku tilmaamay kuwo hoos u dhigay meeqaamkii ay Somaliland ka joogtay beesha caalamka, waxaanu ugu baaqay inay xukuumada haatan shaqadeeda laban-laabto si ay arimahaas u kabto.

Waxa uu sidan Cabdiraxmaan Maxamed Cadbilaahi ( Cirro)  sidan ku sheegay isaga oo dalka Jarmalka oo uu socdaal ku tagay kula hadlay Cabdirashiid Caynte oo ka tirsan HCTV, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay isbadalka Itoobiya uu yidhi “Waxaan is leeyahay isbadalkaasi saamayn badan ayuu inagu leeyahay sida aan ilaa hada maqlayana Somaliland arinkaas wax dareen ah kamay bixin, waxyaabaha lagu soo qaadayna waxa ka mid ah dekedaha Somaliya inay Itoobiya iyo Somaliya ku heshiiyeen markaas waxa laga rabaa in ay Somaliland ka jawaabto dekeda Berbera ma ku jirtaa, xukuumada Muuse iyo Muuse marna haday yidhaahdaan Imaaraadka ayaanu la galnay marna Itoobiya iyo Somaliya ay ka wada hadalaan dekedaha Somaliya umadda waxa la’rabaa inay xog dhab ah siiyaan.”

Ugu danbayntii waxa uu xukuumadii kala danbeeyay ee Kulmiye ku dhaliilay inay hoos u dhac ku keeneen meeqaamkii Somaliland ay dunida ka joogtay”Runtii layskuma khilaafsana in xukuumadii kala danbeeyay ee Kulmiye tii hore iyo tanba halkii aynu ka joognay beesha caalamka aynu hoos uga dhacnay, laakiin wali rajadii waa ay jirtaa dedaal ayay u baahantahay xukuumada laftigeeda waxa looga baahan yahay inay shaqada ay qabanayso in ka badan ay qabto.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here