Guddoomiye Baashe Oo Ku Taliyey In Talo Qaran Lagu Waajaho Xalinta Tabashada Gobolada Bari

0
687

baasheHargayasa( Geeska )-Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa waraysi gaara oo uu siiyay wargaysa Geeska Afrika waxa uu kaga hadlay aragtidiisa xilka dhawaan golaha wakiiladu u doorteen, wada  hadalada loogu baaqay inay Somaliland iyo Somaliya ka wada yeeshaan arimaha mustaqbalkooda, waxa kale uu gudoomiyahu ka hadlay arimha bariga Somaliland, isaga oo ku taliyay in gudi qaran loo saaro tabashooyinka beesha Sool oo uu ku tilmaamay kuwo xoogan oo u baahan in si qaran loo galo. Waraysigaasuna waxa uu u dhacay sidan.

Waxa uu golaha wakiilada ka dhex dhacday doorasho xiiso badan oo lagu soo buuxinayay labada gudoomiye ku xigeen, adigu waxa aad ku guulaysatay in laguu doorto gudoomiye ku xigeenkii koowaad, maxaad filaysaa inaad golaha ku soo kordhin kartaan, se xilkan laguu doortay sideed u aragtaa?

Sidaad ogtahay waxaan kamid ahaa shirgudoonka golaha wakiilada, gudoomiye ku xigeenka labaad baan ahaan jiray, lix sano ayaan golaha shir gudoon ka hayay, waxa hada is badalay waxa weeye gudoomiye ku xigeenkii labaad baan ahaa, hadana waxaan noqday gudoomiye ku xigeenka koowaad, hawshuna waa isku mid oo waxa hada ii kordhay oo aan idhaahdo waxaas ayaa ii kordhayna ma garanaayo, labada gudoomiye ku xigeena waa maamuus uun, ladada gudoomiye’na waa isku mid xaga sharciga dalka, laakiin si marka uu gudoomiyahu baxo si aan laysugu qabsan ninka gudoomiyahu uu uga tagaayo ayaa loo sameeyay gudoomiye koowaad iyo mid labaad.

Hawshaan qabanaa waa isku mid waxaan ku shaqaynaana waxa weeye shir gudoon, wadaaga hawsha oo wada shaqeeya, markaas dee sidii aan u shaqayn jirnay aynuun baan u shaqnaynaa, waxa cusub oo aan hada kuu sheegi karo oo aan odhan  karo waxaasan soo kordhinaynaa ma jirto, waxaan ka shaqaynaynaana waa waxii aan hore ugu shaqayn jirnay, xeerarka in la soo saaro, xildhibaanada in laysku wado, waxii shuruuca ee dalku ubaahan yahayna inaan dadajino oo intaas wakhtiga noo hadhay xeerar badan oo dhaxal gal ah aanu ka tagno.

Gudoomiye Bashe waxa jira tabashooyin ka jira gobalka Sool oo aad adigu dabcan aad ka soo jeedo, inta badana kuraasta sare beelahu waa ay ku xisaabtamaan, maxad filaysaa in xilkan hadda laguu doortay inay tabashooyinkaas ka tari karto, aragti ahaan sidee loo xalin karaa tabashooyinka gobalkaas  aad ka soo jeedo?

Waxaan u  malaynayaa kursigan aan imi in aanay wax badan ka tarayn, sababtu waxa weeye waa isla uun meeshii, arintan Soolna waa arin qaran oo shaqsi iyo midna maaha, tabasho badanina waa ay jirta, maalinkasta waa ay sii fogaadeen, awal  waxa laysku haystay Puntaland baana nahay iyo Somaliland baanu nahay, hadana waxa soo gashay  maamul gooniya ayaanu nahay, maraas waxay u baahan tahay talo qaran, wax sahlana hadda maaha, waxay u baahan tahay in laga wada fakaro oo wada hadal la sameeyo, oo gogashii la sii wado, markaas wax aan anigu ku odhan karaayo waxaas ayaan xalin karayaa majirto, talo qaran ayaa loo baahan yahay waanan galaynaa insha allaah.

Madaxweyne Siilaanyo tiraba dhawr jeer buu ku  celceliyay in gogal nabadeed uu beesha Sool u fidiyay, gogashaas wali si waafiya umay dhacin, adiga siday kula tahay aragti ahaan gogashaasu waa ay ku hirgali kartaa, adiga ogaalkaagana ma jirtaa talaabooyin la qaaday si gogashaasu ay u hirgasho?

Kolay inagu gogasha waa aynu sii wadaynaa, Kulmiye intii uusan galin doorashada waxii ugu horeeyay waxay ahayd in gobalada bari In gogal loo fidiyo,  la soo dhaweeyo dawladana saamigii ay ku lahaayeen in la siiyo, gogashii waa ay bilaabmatay, iyada oo socota ayaa hadana tan kale ay soo dhex gashay,markaas waxaan ku dadaalaynaa in heer qaran loo fakaro oo guddi loo saaro, lagana fakaro waxyaabaha la tabanaayo, iyagiina la’la hadlo, waxii laysu soo ururiyo.

Talaabooyin waa la qaaday oo dad badan waa lala hadlay, wax badan oo xagan ay tabanayaan oo aan laga wada hadli karina waa ay jirtaa, dhawr gogalood baa dhacay oo widh Widh laba jeerbaa la tagay, wada hadalo badan waa la sameeyay ama Salaadiinta hanoqoto ama rag siyaasiyiina ha’noqdeene wada hadalo badana waa la sameeyay, aniguna inbadan waan maqnaa oo xanuun iyo waxbaa jiray, markaas waxaan ku da’daali doonaa in fikradii laysku geeyo oo arinku ma hawl yara meesha imika ay marayso oo waxa la yidhi maamul baanu nahay, markaas waxay u bahan tahay talo qaran in laga yeesho.

Shirkii London qodabadii ka soo baxay waxa kamid ahaa in Somaliland iyo Somaliya ay wada hadlaan, adiga aragti ahaan wada hadalkaasu sidee ayuu u dhacayaa ayaad u malaynaysaa?

Inaga mar kasta waxa layna lahaa wada hadla idinka iyo Somaliya, oo ka wada hadla sidii aad u kala baxi lahaydeen ama u wada joogi lahaydeen. Waa lays dhaafsan yahay oo qoladan Koonfurtu wada hadalka waxay u qaateen niman ku soo noqonaaya Somaliya, oo iyagu waxay u qaateen in laysku soo celinaayo, inaguna waxaynu u qaadanay waxa weeye in aynu laba dawladood oo darisa oo walaalo ah noqono, oo si wanaagsan u kala baxa, markaas ajandaha laga duulayaa waxa weeye sidii loo kala baxi lahaa in Somaliland la’tagto, oo aynu noqono laba dawladood oo darisa, walaalo ah oo sidaa Jabuuti oo kale ah, markaas ajandahu waxa uu ka bilaabmayaa waxa weeye inaga Somaliland go’aanbaa la gaadhay waa mid shacbi, mid dawladeed maaha, oo aftibaa la qaaday, markaas hadii xataa wax la badalaayo afti kale in la qaado oo shacabka la waydiiyo ayay noqonaysaa, markaas waxaan ku rajo waynahay in la wada hadlo, wada hadalkuna waxa uu ka bilaabmi doono sidii lookala baxi lahaa oo laba dawladood oo walaalo ah loo noqon lahaa.