Guddoomiyaha Wanaag Farista Oo Sharaxay Urur Diimeed Lagaga Dhawaaqay Dalal Somaliland Ku Jirto

0
654

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha gudida wanaag farista iyo xumaan reebista Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdalle, ayaa ka sheekeeyay firqadii diimeed ee dhawaan lagaga dhawaaqay Somaliland kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin Takfiir.

Firqadan  Al-saadicuuna Bil-xaq  ayaa lagaga dhawaaqay Masar waxaana sida oo kale lagaga dhawaaqay Somaliya iyo maamul gobaleedka Puntalnd, guddoomiyaha gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ayaa shacbiga uga digay firqadan .

Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed waxa uu sheegay inay kooxdani dhulka Soomaalida timi 1979-kii isla markaasna uu aqoon durugsan u leeyahay waxana isaga oo ka hadlaayay uu yidhi "Waxan halkan ka sheegayaa inta aan ka aqaano ururkan isku dhawaaqay ee sheegaya in aynu diinta dibada ka taagan nahay oo isagu inuu diinta ku taagan yahay uu sheegtay, inta uu qaatay jaanib ka mid ah diinta ururkaasi, waxaan ka garanaayo ee uu yahay ee alle igu ogyahay ayaan sheegayaa,laakiin waxaan u daynayaa xukunkooda culimadeena iyo dawlada. Ururkani waxa uu Somaliya wakhtigii ay isku jirtay uu yimi  1979-kii, waxaana keenay niman jaamacada Maka wax ka dhiganaayay oo rag Soomaaliyeed ahaa, waxa aanu wada ahayn ardaydii Sheekh Maxamed Macalin iyagu hanaga taag roonaadaan oo odayaal hanoo ahaadeene, nimankaasi waxay soo qaateen mad-habtaas oo tagfiir ah, waana dadkii ugu horeeyay ee keenay dhulka Soomaalida in dadka la gaalaysiiyo, markii aan warbaahinta eegayna waxa iiga soo baxay dad badan oo aan garanaayo kuwaas oo inay mabda'aas qaateen aan ku ogaa oo aan kaga tagay. Ninkii bayaanka jeedinayay Cismaan Cabdale Rooble si fiican ayaan u aqaanaa, afarta Somaliland kaga dhawaaqayna midbaanu si wanaagsan isku naqaanaa, sadexda kale isma naqaan waanse ku ogaa, kuwa Puntland-na ninbaan ka gartay isaguna Maka arday ka ahaa  oo fikradan soo qaatay oo dalka la yimi, afartankaas sanadood ee ay lahaayeen waanu qarsoonayn may qarsoonayn ee dadka yaqaana xarakaadku waa ay ku yaqaaneen inay Takfiir ahaayeen."

Sheekha oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Waliba ninka ay sheegteen ee Mustafe la yidhaahdo ee Masar kaga dhawaaqay waxa uu ahaa raggii xabsiyada Masar ku soo qaatay Tagfiirka, nin mufakar ah ayuu ahaa magaalada Maka ayuu yimi waa lagu soo dhaweeyay macalin ayaa jaamacada looga dhigay, rag Soomaaliyeed oo ka tirsanaa ayuu helay kuwii ayaa soo qaaday Muqdisho ayay keeneen 1979-kii, ragii loo keenay ee diiday ayaan ka mid ahaa, inay fikrad xun tahay ayaan ogaa oo aan diinta asal ku lahayn oo khilaafsan caqiidadii saxeexa ahayd ee nabi Maxamed SCW inooga tagey iyo asxaabadii."

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday sheekhu sidan "Nimankii rag ka mid ah ayaanu Kuwayd ku wada noolayn tagfiirna waa ay iska ahaayeen, ma cusba magacan cusub ee Al-saadicuuna Bil-xaq ee waa kuwii ugu horeeyay ee dalka tagfiirka keenay, nimankaasi waa tagfiir ee taas halagu ogaado afar ka mid ah ayaan halkan jooga afartaba waa la yaqaanaa oo niman ganacsato ah iyo kuwo xarakiyiin ahba way leeyihiin, waxaanse alle ugu mahadnaqayaa in aanay lahayn sheekh la garanaayo oo cilmi loogu noqonaayo, macaa kooda Masar jooga ee ay leeyihiin amiirbuu noo yahayna halagu daree. wax sax ah maaha ee waa fikrad, waxaanay yidhaahdeen anagu qori qaadan mayno, baarlamaana galimayno, waana runtoodoo waxaan hubaa haday awood inoo helaan inay khawaariij dhab ah ay yihiin oo dadka ay layn doonaan."