Guddoomiyaha WADDANI Oo Dib U Sixid Ku Sameeyay Hadal Uu Dhawaan Sheegay

0
777

Sweden (Geeska) – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dib u sixid ku sameeyay Hadal uu dhawaan sheegay, kaasi oo su’aal badan geliyey habka uu u dhisan yahay Hoggaanka sare.

Guddoomiye Cirro ayaa Waraysi uu dhawaan bixiyey ku sheegay in awoodda Hoggaanka Xisbiga uu isaga ku xigo Hoggaamiyaha Xisbiga Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, laakiin arrintaasi ayuu dib u Sixid ku sameeyay, waxaanu sheegay in Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah oo ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde uu isaga ku xigo.

Guddoomiyaha oo dalka dibeddiisa ku sugan ayaa Shalay Waraysi siiyey Telefiishanka HCTV, waxaanu ugu horrayn ka hadlay Shirweynaha Xisbiga oo uu tilmaamay inuu ku qabsoomayo muddo lix bilood gudahood ah “Shirweynaha Xisbigu wuxuu dhacayaa lix bilood gudahood, laga bilaabo 1 October illaa 30 April inta u dhaxaysa, hoggaanka xisbiga ayaana Cayimi doona Maalinta uu qabsoomayo Shirku.”

Guddoomiyaha WADDANI waxa kale oo uu sharaxaad ka bixiyey sida hoggaanka sare ee Xisbigu u dhisan yahay “Hoggaanka Xisbigu siduu u dhisan yahay waxa tilmaamaya Xeerka Xisbiga, waxa jira laba Xil ama saddex Xil oo uu kaga duwan yahay hoggaannada labada Xisbi ee kale, Aniga iyo Madaxweyne ku-xigeenku (Guddoomiye ku-xigeenku) mar walba waxaanu ka mid nahay Hoggaanka Xisbiga. Hoggaanka waxa Madax ka ah Guddoomiyaha Xisbiga, waxa jira Xil aan labada Xisbi ee kale ku jirin, kaasi oo ah Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah oo Xisbiga WADDANI leeyahay, Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ayaa ku xiga Guddoomiyaha Xisbiga oo ah Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, xilka kale ee aanay labada Xisbi ee kale lahayn waxa ka mid ah Hoggaamiyaha Xisbiga oo ku xigaya Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah, dabadeedna waxa ku xigaya Shan Guddoomiye ku-xigeen oo Xisbigu leeyahay..”ayuu yidhi.

 

Geeska.net/Hargeisa Office