Guddoomiyaha Ururkii IFTIN Oo Ka Hadlay Xaaladda Wadanka

0
579

Hargaysa(Geeska)-Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedkii Iftiin ee ku Hadhay Tartankii Madaxtaabashiid Ururada, Siyaasi Cabdi Qaadir Cali Obsiiye  ayaa ka waramay Xaalada dalka Iyo Halka uu ku danbeeyey Ururkii Iftiin. Waxa uu Sheegay inuu Ururka Diyaar u yahay inuu Saddexda Xisbi ee dalka ka jira uu wada hadal La furo isla markaas ku biiro Xisbigii u Cuntama. Gudddoomiyihii Urur Siyaasadeeedka Iftiin ayaa sidoo kale waxa uu Baaq u diray soo dhawayn ah Horjoogaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh waxaana uu ugu Baaqay inuu Nabada qaato,waxaana uu soo dhaweeyey wada hadalka uu ku dhawaaqay inuu Somaliland la furayo.

ugu horayn waxa uu yidhi

“Ururkii Iftiin la odhan jiray Dadku way iswaydiinayaan oo waxa ay odhanayaan halkuu ku danbeeyey,waxaanan Dadka u sheegayaa inuu Dardar cusub saaxada Siyaasada lasoo gali doono iyo saddexda Xisbi Qaran ee ciyaari doona Musharax-Nimada Hogaanka Dalka,waxaanan rajaynayaa inaan iftiimin doono cidaanu sida tooska ah ugu biiri doono Saddexda Xisbi”.

Guddoomiyihii Hore ee Urur Siyaasadeedkii Iftiin Siyaasi Cabdi Qaadir Cali Obsiiye oo Hadalkiisa Siiwata ayaa yidhi “Waxaan ku baraarujinayaa Dhalinyaradii Ururka iyo Tageerayaashii Ururka Dhammaan meelkasta oo ay joogaanba,waxaanan leeyahay waynu galaynaa ciyaartii sida ugu dhakhsaha badan,waxa jiray Saddexda Xisbi Masuuliyiin ka tirsan oo aanu wada Furnay wada hadal,Lakiin aanu noo dhamaystirmin,lakiin imika waanu furi doonaa wada hadaladii hadaanu dhamaystiro kuwii hore iyo Hadaanu furno kuwa kaleba,kolay wixii Shacabka  u dan ah ayaa anagana noodan ah”.

Siyaasi Cabdi Qaadir Cali Obsiiye mar uu baaq u diraayey Xukuumadda iyo Shacabka reer Somaliland waxa uu yidhi “Baryahan danbe waxa warbaahinta ka socotay waxyaabo aan runtii loo adkaysan karin,Xukuumadda waxaan leeyahay dadkani waa Dad kaagii Codna waad ka rabtaa ee soo dhawee,waxaanan kaa rajaynayaa inaad dabcisid xadhigan Aad Saxaafada ku haysid,waxaanan Saxaafadana Leeyahay Xukuumadda la shaqeeya wixii Toosin ahna u sheega. Waxaan Asxaabta mucaaradka Leeyahay Wixii Toosin ah ee aad haysaan Xukuumada Miiska ugu sheega lakiin Warbaahinta waxba ha ka sheegina,kolay Maah-maah Soomaaliyeed ayaa tidhaahda Gacmo wada Jirbay wax ku gooyaan ee in wax la isla qabtaa ayaa muhiim ah,sidaas ayaan usoo jeedin lahaa Asxaabta Mucaaradkana,Xukuumadda halkii laga doonayay may gaadhsiin waxna way qabatay,wixii dhimana la toosiya ayaan odhan lahaa”.

Siyaasi Cabdiqaadir oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi“Waxaan soo dhawaynayaa Cali Khaliif Galaydh oo sheegay inuu Somaliland wada hadal la furayo,waxaan jecelay in la helo Somaliland oo mid ah,Waxaan jecelay in la helo Khaatumo iyo Gobolada ay sheeganayso oo Somaliland hoos yimaada,waxaan Doonayaa in la helo Cali Khaliif oo ka sharaxan Somaliland isla markaasna Hiigsanaya Madaxtinimada Somaliland,Waan idin soo dhawaynayaa dalkuna waa dalkiinii Dadkuna waa dadkiinii.

Guddoomiyaha Ururka Iftiim Ayaa Waxa uu sheegay inuu Diyaar u yahay Inuu wada hadal la furo Saddexda xisbi qaran sida uu sheegay si uu u go’aansado Xisbiga uu ku Biirayo isaga iyo Tageerayaashiisa”