Hargaysa( Geeska )-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Rays Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa sheegay inay u hogaansamayaan doorashada dalka dhacaysa 28-ka bishan, hadii la tuso qaab ay doorashadaas ugu qancaan, waxaanu ku baaqay si waaqici ah loogu dhawaaqo natiijada doorashada, iyada oo laga fogaanayo muran siyaasadeed oo dhaca.
Xasan Gaafaadhi oo u waramayay Telefiishanka HORN CABLE, ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo natiijada , haddii ay guddida doorashooyinku ay u shaaciyaan si cadaalad ah, isla markaana loo baahan yahay in la tixgeliyo dhinacyada oo dhan“ Marka hore inta aan la qancin waa in lagu tusaa sida aad ku qanci lahayd, nidaamkaas ayaa ka horeeya , haa waanu u hogaansamaynaa natiijada doorashada” ayuu yidhi guddoomiyaha ururka Rays Xasan Maxamed Gaafaadhi.
Waxa kale oo ka hadlay deegaamada gobolada Bari dalka qaarkood oo la sheegay in aanay doorashadu ka dhacayn, waxaana uu soo jeediyay in doorashada laga qabto dhulka nabad ah ee aanay xasilooni darado ka jirin,iyada oo ay tahay shacabka dhamaantood ka qaybgalaan doorashada