Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ururka Rays Xasan Gaafaadhi oo xalay telefoonka kula soo xidhiidhay Geeska Afrika, ayaa sheegay in beesha degta Degmada Ceel-afweyn ay ururkiisa ka soo sharaxday 8 murashax oo uga qayb gala tartanka doorashada goleyaasha deegaanka.
Wuxuu sheegay shir beesha uga socday tuulada Huluul inay ku go’aansatay inay 8 murashax ka soo sharaxdo ururka Rays, lix murashax-na KULMIYE, waxaanu sheegay inay beeshu go’aankan ku qaadatay shir muddooyinkan uga socday halkaas. Laakiin waxa jira murashixin kale oo ka soo jeeda degmada Ceel-afweyn oo hore iskaga sharaxay ururo siyaasadeed oo kale.