Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Shalay Qaabilay 365 Qof

0
632

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland Md Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa shalay qaabilay 365 ruux oo u socday arrimo kala duwan.

Shalay oo ahayd maalinta uu dadweynaha qaabilo guddoomiyaha maxkamadda sare, ayaa waxa subaxnimadii hore safaf dhaadheer u galay dad ay tiradoodu dhammayd 365 ruux oo u socday dacwado iyo cabashooyin kala duwan, waxaanu dadkaas oo u badnaa waayeel uu mid kasta siiyay wakhti ku filan oo uu ku dhagaystay cabashadiisa iyo waxa uu doonayo in wax laga qabto, waxaanu dhagaysiga ka dib qof kasta u gudbiyay xafiiska ay u qusaysay.

Kulanka guddoomiyaha maxkamadda sare iyo dadka oo bilaabmay 8:00 subaxnimo wuxuu dhammaaday 12:00 duhurnimo, waxaanay dadkii guddoomiyaha maxkamadda sare uu qaabilay oo saxaafadda la hadlay ay sheegeen in isbedel muuqdaa uu ku yimid garsoorkii Somaliland, iyagoo sheegay inaanay xilliyadii hore arkiba jirin cid dhagaysata cabashadooda oo uga garaabta, waxaanay guddoomiye Aadan Xaaji Cali uga mahadceliyeen sida uu heeganka ugu yahay kor u qaadista tayada garsoorka Somaliland.