Guddoomiyaha Komishanka Mihnadlayaasha Caafimaadka Oo Digniin U Diray Dhakhaatiirta Shisheeye Ee Dalka Jooga

52
3758

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Komishanka mihnadlayaasha caafimaadka Somaliland Dr. Axmed Xaashi Oday, ayaa sheegay inay xooga saarayaan labada bilood ee food inagu soo haya inay dalka ka saaraan dhakhaatiirta ajaanibka ah ee aan soo marin mihnadlayaasha caasimaadka si loo hubiyo aqoonta uu u leeyahay caafimaadka.

Waxa uu guddoomiye Axmed Xaashi Oday sheegay in aanay Somaliland noqonayn dal aan cidi lahayn isla markaasna ay cisbitaalada iyo shaqaalaha ajaanibka ahba ku dhaqi doonaan shuruucda dalka, waxaanu sidan ku sheegay waraysi uu siiyay tilifishanka Eryal, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa”Bishan iyo bisha danbe dabayaaqadeeda in aan qof ajaanib ah oo meel ka shaqayn kara oo ruqsada NHP aan sidan aanu jirin doonin oo aanu mustaafirin doono, kuwa imanaayana waa la joojinayaa oo laanta socdaalka ayaanu wada hadalkiisa si fiican u dhigi doonaa. waayo nin kasta oo ajaanib ahi waa uu ogyahay in aan dalkiisa cidina sharci daro dhakhtar kaga furan karin halkani noqon mayso dal aan cidi lahayn, dadkii lahaabaa u soo toosay waana la qabanayaa nin danbe oo ajaanib ah ma jiraayo oo sharci daro dalka kaga shaqaynaaya.”

Guddoomiye Axmed Xaashi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Waanigaas idiin sheegnay in goobaha caafimaadka ee dadka ajaanibka ah ay ka shaqeeyaan ee bilaa sharciga ah waxaan u jeedinayaa in aan dib loogu dul qaadan doonin, markaas intaan halkaaga laguugu iman ee aan qofka la soo xidhin soo doonta sharciga idinka oo xor ah oo noo yimaada oo dhakhtarkii wanaagsani sharciga ha helo kii xuna hayska tago.Hargeysa waxa aad ku arkaysaa qof ka soo cabanaaya cisbitaal uu qof ajaanib ahi joogo oo cabashadiina markaad is tidhaahdo la wad halkiibuu ku daynayaa  oo isagiibaa la aamusiinayaa, markaas dadkaas aad ka cabanaysaan ayaanu idinka qabanaynaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here