Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay dagaalkii iyo faraha ka hadalkii dhawaan dhexmaray Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) iyo Guddoomiye ku xigeenkiisa Baashe Maxamed Faarax,waxaanu sheegay inay hadda isku soo dhawayntooda iyo waan-waanta ay ka dhex wadaan meel wacan u marayso.
Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in isku dhac iman karo, balse ay muhiimadu tahay in la isku soo dhawaado “Gole Barlamaan oo xurgufi dhexmartay kii ugu horeeyey maaha, Dunida oo dhanba wey ka dhacday, waxa aan laga boogsanayna ma dhicin, meel fiican hadda wey u maraysaa, wixii aynu ku biirin karno ee wanaag ahna waanu ku darnay”.
Dhinaca kale waxa uu Guddoomiyaha Guurtidu Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa su’aalo warbaahintu halkaas ku weydiisay ayaa ka gaabsaday, waxaanu warbaahinta uu ka codsaday inay mar walba wanaaga ka taliyaan.