Guddoomiyaha Guurtida Oo Ka Hadlay Siday Khilaafka U Xaliyeen

0
547

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, oo ka mid ahaa Guddidii dhex dhexaadinaysay khilaafkii Xisbiga Muxaafadka ah ee Kulmiye ayaa ka waramay qaabkii ay ka Guddi ahaan u soo mareen in ay xaliyaan khilaafka Xisbiga Kulmiye ee ay Shalay ku dhawaaqeen go'aamadii ay ku xaliyeen Khilaafkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey ka hor intii aanay ku dhawaaqin go'aankii ay ka gaadheen khilaafka Kulmiye ayaa waxa uu yidhi "Waa nagii qayladii ka soo yeedhay Xisbiga Kulmiye gaar ahaan Shirweynihiisii ka dib,waa nagii isku xilqaanay in aanu hawshaas aanu galno,galitaanka intaanan galin labadiina dhinac ee uu mid Madaxweynuhu hogaaminaayey, dhinacna Muuse hogaaminaayey waxaanu ka  qaadanay ogalaanshiyo iyo kalsooni aad iyo aad baana ay u mahadsan yihiin, Waanagii labadii dhinacba aragnay qolaba wixii ay sheeganayeen waa ay sheegteen oo qoloba malaha Saacad baanu aragnay, anaga se waad ogaydeeno malaha Saddex ilaa Afar Maalmood bay nagu qaadatay in aanu isugu kiin yeedhno oo go'aanada idin ma qashiino,hawshaa culayskeeda lahayd oo waanu ka cudur daaranaynaa in ay intaas nagu jiitan tay laakiin wax inaga xumaaday dhinaciina iyo dhinacayaga toona maanan arkayn, Maanta (Shalay),  waxaanu jecelnahay in aanu idin ma qashiino go'aanadii aanu soo gaadhnay inaad sidooda ku fulisaan ayaanu idinka doonaynaa,Dadwaynaheena iyo Aduunkaba Xisbigii Kulmiye waa is khilaafayna in ay Maanta (Shalay) inoogu danabyso".

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu intaasi ku daray "Wixii kale ee dee is laab xaadhashadiina hadhawto mar  haddii hadalkii idiin furmay waydin sii wadan doontaan laakiin go'aanadii in aad sidaasi ku qaadataan, oo aynu dadkeena iyo dunidaba aynu maqashiino,idin kuna Raggii is ahaa ee Xisbiga qudha ahaa ee Xisbi Xaakimka ahaa ee dawladuna Umadda wada dhaqaysay wada hogaaminaysay idin kuna ku kaalinayseen Xisbi ahaan in aydin ahaataan ayaanu ILLAAHAY ka baryeynaa idinkana idin ka codsanaynaa in dhawaaqeedu inaga damo"