Guddoomiyaha Guddida Doorashada Oo Ka Hadlay Kulan Uu La Yeeshay Safiirka Maraykanka

0
686

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa ka hadlay kulan ay la qaateen wefti dalka Maraykanku uu u soo diray Somaliland kaas uu hoggaaminayay safiirka Somaliland iyo Somaliya ee Maraykanka danjire Stephen Schwartz.

Waxa uu guddoomiyahu sheegay inay u sharaxeen waxyaabaha u qabsoomay intii qaadhaan bixiyayaashu ay ka gaabiyaan taageerida qabsoomida doorashada, isaga oo xusay inay la dhaceen jadwalka doorashada ee Somaliland iyo inay hawlihii doorashadu inoo dhammaadeen.

Waxa uu guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Cabdiqaadir Iimaan uu arimahan kaga hadlay waraysi uu la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxaana isaga oo ka hadlaayay kulankooda uu yidhi "Waxa anaga nagaga aadanaa inaan ka jaahil bixino halka ay marayaan doorashooyinku iyo inay doorashadu inoo qabsoomayso oo jadwalkii iyo hawliiba ay inoo degsan yihiin, oo aanu kaadhadh qaybintiina labadii gobal ee ugu horeeyayna dhamaynay labadii ku xigayna aanu hadda wadno, anigu hadda Burco ayaan joogaa oo labadan gobal ee ay ka bilaabmayso ayaanu hawshii isku xidhkeeda aanu wadnaa markaas waxaanu ka wada hadlaynay waxii ay doorashooyinkeena ka caawin karaan iyo waxyanu qabsanay."

Guddoomiya Cabdiqaadir Iimaan oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi"Markaas waxay arkeen inaan shaqo wanaagsan qabanay oo hawlihii oodhan aynu inagu isku tashanay oo dhamaysanay oo dawladu diyaar tahay oo kharashkii ku baaqday iyaga ay bixisay,markaas waajibaadkeenii waynu ka soo baxnay, iyaguna waajibaad ayay lahaayeen oo waa kuwii doorashooyinku dib u dhacay markaas hada ayay ku soo dhiiradeen inay yidhaahdaan waxii aanu idinla qaban karayno waanu idinla qabanaynaa."

Guddoomiyaha oo wargeysku uu waydiiyay inay wax taageero ah u balan qaadeen waftiga ka Socday dawlada Maraykanku waxa uu yidhi"doorashadan waad la socotaan oo inaga ayaa yeelanay oo kharashkeedii bixinayna, kaadhadh qaybinta oo afar milyan ahaydna inaga ayaa bixinayna, runtiina ismay lahayn waxbay qabsan karaan oo doorashadu way u hergali kartaa xag dhaqaale iyo xag farsamoba tignoolajigii ugu danbeeyay waynaga wax ku qabsanay, markaas tijaabadii awoodeedna aqooneed iyo midii dhaqaalaba waynu ka soo baxnay, way ina soo kormeeri-doonaan laakiin doorashadan inagaa iska leh waanay inoo qabsoomaysaa."