Guddoomiyaha Gobalka Sanaag Oo Sheegay In Ugaadhsi Lagu Hayo Xayawaanka Diinka

41
3802

Ceerigaabo(Geeska)-Guddoomiyaha gobalka Sanaag Axmed Cabdi Jaamac Falaay, ayaa sheegay inay bartilmaameedsan doonaan dadka gobalkaas ka guranaaya xayawaanka diinka oo uu sheegay in faro baas lagu hayo.

Waxa uu gudoomiyaha gobalka Sanaag sheegay in uu hayo warar sheegay in meel walba oo gobalkaas ka mid ah laga ugaadhsanaayo diinka oo dhawaan la faafiyay in lacag badan lagu iibsanaayo, waxaana isaga oo warbaahinta kula hadlaayay Ceerigaabo uu yidhi “Waxa aad iyo aad cidhiidhi loogu hayaa diinkii, waxaanu leenahay waar alle ka cabsada waa xayawaan noole ah, wax alle iyo waxaad ku falaysaan garan mayno, waa ugaadhii dalka cida lagu soo sheego waajibkooda ayaanu ka qaadi doonaa, hala badbaadiyo macdanta iyo xayawaanka uu alle uumay, aad iyo aad ayaanuna taas uga xunahay diinkii oo la leeyahya meel walba waa laga guranayaa, si gaar ah ayaa loo bartilmaameedsanayaa cida xayawaankaas ka shaqaynaysa meel ay geeyaanba.”

Dhawaan ayaa la faafiyay in diinka lacag badan lagu iibinaayo iyada intaan la iibin lagu tijaabin doono moobilada oo uu daminaayo ka lacagta la siisanaayo, arintaas oo ugu horayntii ka soo fiday magaalada Muqdisho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here