Guddiyada Labada Garab Ee Golaha Wakiilada Oo Ka Hadlay Wada Hadalada Shalay U Furmay

0
549

Picture7Hargeysa(Geeska)-Guddidii ay iska soo xuleen labada dhinac ee golaha wakiiladu uu u qaybsamay,ayaa kulankoodii ugu horeeyay yeeshay, waxaanay rajo ka muujiyeen inay is afagad buuxa gaadhi doonaan.

Labada guddoomiye ee labadan dhinac ayaa warbaahinta si wada jir ah ugu sheegay in ay yeesheen kulankoodii ugu horeeyay,isla markaasna ay rajaynayaa inay khilaafaakii golaha ay dhamayn doonaan.

Sida oo kale waxa kulamo la yeeshay guddoomiyaha golaha wakiilada Cabdiramxaan Ciro iyo labadiisa ku xigeen ee khilaafka golaha kala jabiyay uu ka dhaxeeyo abwaano ay hogaaminayeen Hadraawi iyo Xasan Ganay, kuwaas oo la filaayo inay qayb ka yihiin isku soo dhawaynta labada dhinac.

Ugu horayntii Xildhibana Cabdiraxmaan Cimaan Caalin (Cabdiraxmaan-Dheere) oo guddoomiye u ah garabka Baashe iyo Cali Yuusuf oo warbaahinta kulankoodan ugu horeeyay uga warmaayay waxa uu yidhi“Labadayadii dhinac oo aanay cidi wehelin ayaanu ku wada fadhinaa, ajandahayagii ayaanu wadanaa, waxii maanta ka danbeeya ayaanad war naga heli kartaan. cid natiijadayada sugaysa oo loo gudbinayaa ma jirto, guurtidiina haddii ay wax noo dhamaadaan waxaanu ku wargalinynaa inaan dhamaysanay,ilaa hadda wax carqalado ah maanu arkin.”

Sida oo kale Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo guddoomiye u ah garabka Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo isaguna warbaahinta la hadlaayay waxa uu yidhi“Labadyadii guddoomiye ee labada garaba waanu joognaa, golahana waxaanu doonaynaa inaanu ku soo celino sharaftii iyo karaamadii uu lahaa,meel fiican ayay wax noo marayaan,hadalkuna waxa uu dhex marayaa ragayagii meesha wada joogay ee saaxiibada ahaa,dhib weyn oo jirtaana ma jirto,taladana waanu isugu imanaynaa marka aanu gabogabaynana,warka waanu idin siin doonaa.”

Khilaafka golaha wakiilada ayaa ka bilaabmay xeer hoosaadka golaha wakiilada oo wax ka badal lagu sameeyay hoos loogu dhigay awoodaha labada guddoomiye ku xigeen oo ka tirsan xisbiga Kulmiye.