Guddiga Wanaag Farista Oo Shacabka Ugu Baaqday In Laga Qayb Qaato Gurmadka Abaaraha

0
720

Hargeysa (Geeska)-Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, ayaa ku baaqay in gurmad lala gaadho dadka abaaruhu hayaan ee degan Gobolada Barri ee Somaliland,  waxayna Xukuumadda, Ganacsatada iyo cid walba oo wax ku tari karta dadkaas abaaruhu hayaan inay taraan, waxna la qabtaan.

1

Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland, oo Shalay shir jaraa’iid qabtay ayaa sidoo kale ku taliyey in ALLE ka cabsiga la badiyo, oo ILLAAHAY loo noqdo, oo macsida laga dheeraado, Guddoomiyaha Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista Somaliland Sheekh Cabdiraxmaan Maxamed Cabdale, oo isagu ugu horeyn halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Dadkeena ku dhaqan Gobolada Barri, abaaro ayaa haya, markaas waxa inala gudboon inaynu u gurmano, oo wax kasta oo karaankeena ah ama awoodeena ah inaynu tartano, oo aynaan waxba ka hagran, Dawladda, Ganacstada iyo qof walba oo reer Somaliland ah oo wax haysta waxaanu ugu baaqaynaa haddii aanu nahay Guddidi wanaag farista sidii loogu gurmaday Gobolada Galbeedka aynu ugu gurmano oo aynu wax u tartano Gobolada Barriga, marka aynu isku naxno ee aynu wax istarno ajar iyo khayr baynu ka helaynaa, ILLAAHAYNA wuu inoogu naxariisayna, ILLAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa in dadkeena abaaruhu hayaan inuu abaaraha ka  jabiyo oo raxmad iyo madar khayr qaba inuu ugu bedelo,ALLE oo qudha ayaa abaaraha inaga jabin kara, ee aynu badino Cibaadada iyo ALLE ka cabsiga, oo aynu ka dheeraano macsida, laqwiga iyo wax walba oo ALLE cadho galinaya, oo aynu wax isku qabano, oo keena liita aynu u gargaarno, keena baahan wax siino”.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Culimo ka tirsan Guddida wanaag farista iyo xumaan reebista waxayna dhammaantood Xukuumadda iyo Ganacstada iyo dadka reer Somaliland ugu baaqeen in dadka abaaruhu hayaan ee degan Gobolada Barriga Somaliland in wax la taro, oo loo gurmado.