Guddiga Wanaag Farista Oo Hawlgalo Ku Qaaday Dadka Xaaraanta Kariya Ramadaanta

0
709

hqdefaultHargaysa(Geeska)-Gudida wanaag Farista iyo Xumaan reebista Somaliland ayaa hawl galo ay kaga hor tagayaan dadka Xaraanta kariya bisha Ramadaan  ka sameeyay Magaalada Hargaysa,Kuwaas oo gacanta ku soo dhigay laba qof oo xaraan ku hor cunayay dadka sooman.

Guddoomiyaha Gudida Sheekh Cabdiraxmaan Muxamed Cabdale ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la ilaaliyo dadka dooxyada iyo meelaha qashinka ah ku kariya Xaraanta isaga oo tilmaamay inay heegan galiyeen Guddi ka kooban Culimo iyo Ciidan kuwaas oo gaaf wareegaya Guddaha Magaalada Hargaysa, Waxa uu tilmaamay in Qofka ay ku qabtaan Cunto isaga karinaya inta ay ka qadaan u gaynayaan dadka masaakiinta ah iyo kuwa dhakhtarada ku jira,qofkaasna sharcigana marin doonaan,  waxaana uu yidhi   “Halkan Waxa ay Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Jamuuriyada Somaliland hawl galada ay bisha Ramadaan qabtaan waxa ka mid ah mid ay kula dagalamayaan xaraanta la karinayo iyo dabka la shidayo ee beenta,Marka hore qofka Lagu qabto Xaraanta wax baanu u sheegnaa waanan u nasteexaynaa haddii ay diidaana waanu qabanaa sharcigan waanu ku fulinaa,shacabka Somaliland waxaanu ka codsanaynaa in ay Lanbarada Xafiiska soo garacaan hadday arkaan halka meel dab xaraan ah laga shidayo.

Qolada Qaad layaasha ah waxaan leeyahay iibkiisa iyaga ayay jirtaa kaas ka hadli mayno laakiin wax Marfash ah oo maalintii qaad lagu cunayo hadaanu u nimaadno nasteexo ayaanu siinaynaa haddii ay diidaan sharciga ayaanu horgaynaynaa.”

Sheekh Cumar oo isna ka mid ah Culimada waaweyn ee dalka   ayaa ka hadlay Xukunka Qofka lagu qabto isaga oo xaraan iibinaya iyo hawl galka ay sameyeen Guddidu ilaa hada waxa ay ku soo qabteen waxaan uu yidhi “Bisha Ramadaan Janada waa lasii qurxiyaa Cadaabtana waa la xidhaa,Rasuulkuna waxa uu sheegay in ay janadu leedahay albaab la yidhaa Rayaan marka ay dadka soomani galaana waa la xidhaa,qofka somaanina waxa uu leeyahay laba farxadood marka uu ilaahay lakulmo aad ayuu u farxayaa marka uu afurana aad ayuu u farxayaa,waxaanan idin leeyahay ilaahay u sooma oo joojiya xaraanta aad ku karinaysaan meelaha aan munaasibka ahayn,qofkasta oo muslim ah waxaana faraynaa inuu ILLAAHAY u toobad keeno una cibaadaysto kana mid noqdo dadka janada galaya.

Sheekh Ismaaciil oo isna ka mid ah Guddida Wanaag farista iyo xumaan reebista oo isna halkaas ka hadlay  Bisha Ramadaan iyo kormeerada ay sameeyeen ilaa hadda waxa ay qabteen isaga oo sheegay in hal qof oo qaad cunayay ay Xabsiga dhigeen markii uu ka soo horjeestay Nasteexada iyo Wanaag ay Fareen waxaana uu yidhi. “Sannadba sannad sid uu Noogu dhiibayay waxana uga sii dhaceyeen markii aanu isla rafaadna ee wixii ay weel hayeen Raafna ee iyaga Xidh-xidhnay ee qofkii khasaare ka bixi waayay ee sanad kasta khasaare u joog noqdeen way iskaga baxeen,Hilib geelkii ayaa joogsaday markii Aanu hawl galka Qaadna,hadan sanadkii danbe Hilib adhigii ayaa isna joogsaday markii hawsha joogtayna,Bariiskii iyo Baastadii ayaa isna joogsaday sanadkii ku xigay,Saanbuusihii iyo Quracii isna waanu latacaalnay,waxa noo xigay raashin safari ah oo dumarku tunka ku soo qadaan kuwaasna waanu cidhib tirnay.

Sannadkan aynu maanta joogno ilaa masalaha ilaa haleeya meelkasta waanu soo marnay saaka,gaadhigaas iyo askartaas ayaa wareegayay meel hada sanadkan dab lagu shidayo maanu arag,Nin qaylaya mooyaane cid kale maanu arag kaasna waanu xidhnay,Mid quraax iyo biyo dad dhan oo muslim Ah ku dhex cunaya isna waanu soo xidhnay,waxaanu u sheegaynaa dadka muslimiinta ah qofna gardaro lagu qaban maayo,dad islaam Ah ayaynu nahay ee aynu ilaalino xaraanta.

Bisha Barakaysan ee Ramadaan maanta waxa ay tahay saddex gudida wanaag farista iyo Xumaan Reebista Jamuuriyada somaliland waxa ay u taagan yihiin sidii ay u ilaalin lahayeen dadka xaraanta Ku karinaya waxana ay wareegayaan Dhamaan Qaybaha Kala duwan ee Magaalada Hargaysi ka Kooban tahay”